Watch FIFA World Cup 2026™

LIVE, FREE and EXCLUSIVE

Coronavirus Update Thursday 07 May

SA Expands Test
COVID-19 test Source: Flickr

Maamulka xarun lagu xanaaneeyo dadka waayeelka ah oo ku taal Galbeedka Sydney ayaa lagu qasbay inay magacawdo la taliye la baxsan maamulkooda si uu uga caawiyo maaraynta xanuunka COVID-19 oo ka dilaacay xarunta iyadoo ay ku dhinteen 16 qof ilaa hadda.

Labo kale oo ka tirsan shaqaalaha Newmarch House ayaa laga helay coronavirus. Guud ahaan waxaa laga helay COVID-19 31 shaqaale ah iyo 37 dadka waayeelka ee deggan xarunta.

Hay’adda maamusha xarumaha dadka waayeelka ah lagu hayo ayaa warqad ay u qortay Anglicare oo maamusha xarunta ugu hanjabtay in laysanka lagala noqonayo haddii aysan Anglicare muujin in caabuqu uusan Qatar ku ahayn dadka deggan xarunta.

Ramadan Infographic
Source: SBS

New South Wales ayaa xaqiijisay 3 kays oo cusub markii la baaray 10,900 oo qof 24 saacadood ee u danbeeyay.

13 kays oo kale ayaa laga helay COVID-19 warshad hilibka lagu qalo oo ku taal Victoria taaso tirade guud ee dadka shaqaalaha ee laga helay ka gaarsiisay 62 qof.

Laakiin Premier Daniel Andrews ayaa isku dayay inuu dajiyo walaaca laga muujiyay sida dawladiisu u maaraysay xanuunka ka dilaacay warshada hilibka Cedar Meats oo ku taal galbeedka Melbourne.

Premierada New South Wales Gladys Berejiklian ayaa uga digtay qoysaska inaan la qafiifindoonin xanibaadaha coronavirus ka hor maalinta hooyada oo ku aaddan Axada bisha 10 tahay.

Saraakiisha caafimaadka ayaa sheegay in xanibaadaha tartiib tartiib loo qaadayo si loo yareeyo qatarta kaysaska COVID-19.

Infographic domestic violance
Source: SBS

Ms Berejiklian ayaa sheegtay in nolosha NSW ay bilaabayso inay caadi ku noqoto dabayaaqada bishan.

Madaxda federalka iyo kuwa gobolada ayaa lagu wadaa inay ka qayb galaan shirka golaha qaranka barito oo jimco ah si ay go’aan uga gaaraan inay sharuucda coronavirus la qaado ama wax laga badalo.

Kala soco wararkii u danbeeyay ee coronavirus oo luqadaada ah sbs.com.au/coronavirus


2 min read

Published

Updated


Share this with family and friends


Follow SBS Somali

Download our apps

Listen to our podcasts

Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS

Somali News

Watch now