COVID-19 Special Update: Macnaha cusub ee 'close contact'

'close contact' ayaa loo sameeyey macne cusub oo kii hore ka duwan.

Scott Morrison announces the reset of the 'close contact' criteria

Scott Morrison announces the reset of the 'close contact' criteria Source: AAP

Ra'iisal-Wasaare Scott Morrison ayaa shaacayin in macne cusub oo qaran loo sameeyey 'close contact'-ga COVID-19. Macnaha cusub ayay golaha wasiirradu isla aqbaleen maanta (Khamiis 30-ka December)

    • 'Close contact' waxaa lagu macneeyey qof la kulmay ama ku dhowaadey qof kale oo guriga la deggan oo la xaqiijiyey inuu qabo COVID-19, ama qof in ka badan afar saacadood la joogey guri ama goob dar-yeel, qof la xaqiijiey inuu qabo COVID-19. Waxaa kasoo hadha oo keliya xaalado gaar ah.
    • Haddii qof 'close contact' loo aqoonsado waa inuu qofkaasii isku baadhaa Rapid Antigen Tests (RAT) xataa haddii aanay calaamado ka muuqanin
    • Haddii natiijada baadhitaanka RAT uu 'negative' noqdo waa inuu sii wado is-xannibaadda toddobada maalmood ah oo kasoo bilaabanta maalinkii uu soo qaaday COVID-19 ka, isla markaana waa inuu haddana RAT isku baadho maalinka lixaad.
    • Haddii natiijada baadhitaanku 'positive' noqdo waa in uu isku baadhaa PCR test.
    • Haddii qofka ay ka muuqdaan calaamadaha COVID-19 waa inuu isku baadhaa PCR test oo sii wato is-xannibaadda toddoba maalmood.
    • Macnahani wuxuu dhaqan gelayaa caawa saqda dhexe (30/12/2021), wuxuuna ka dhaqan gelayaa: New South Wales, Victoria, Queensland, South Australia iyo ACT
    • Xeerarkan cusubi waxay kale oo ku ansaxayaa dadka imminkaba ku jira xannibaad, sida uu Rai'iisal-wasaaruhuu sheegay.
    • Tasmania-na wuxuu ka dhaqan gelayaa 1-da Jannaayo. Northern Territory iyo Western Australia-na maalmaha soo socda ayay sheegi doonaan.

 

  • South Australia ayaa ku dhaqmi doonta xeerka cusub, wixii aan ka ahayn muddada xannibaadda oo iyaga u ah toban maalmood.Tallaabooyink

 

Tallaabooyink xilligan laga qaadayo COVID-19 oo luqaddaada ku qoran ka hel halkan


Xannibaadaha Karantiilka ee Gobollada

Halkan ka raadi waxa aad qaban karto ama aadan qaban karin gobolkaaga

Socdaalka

Halkan ka hel macluulaadka socdaalayaasha caalamiga ah iyo COVID-19 iyo macluumaadka socdaalka oo kuu qoran luqaddaada 

Kaalmo dhaqaale

Is-beddel baa lagu samaynayaa lacagta taageerada masiibada COVID-19 tallaalka buuxa ee gobolladu gaadho 70 iyo 80 boqoliiba. Halkan ka raadso sida luqaddaada kaalmo loogu helo inta uu socdoa COVID-19


 


 

COVID-19 Eray-bixinta Tallaalka
Aaladd online-ka ee ballamaha lagu samaysto.


Goobaha Tallaalada ee gobol kasta:

NSW 

Victoria 

Queensland 

South Australia 

ACT 

Western Australia 

Tasmania

Northern Territory 

 

 


Share

3 min read

Published

Presented by Abdinur Ismail



Share this with family and friends


Follow SBS Somali

Download our apps

Listen to our podcasts

Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS

Somali News

Watch now