Dad kala duwan oo qaba xanuuno kale ayaa qatar wayn ku jira haddii uu ku dhaco COVID-19, waxaa ka mid ah dadka qaba wadno xanuun, sokor, dhiig kar, iyo neef. Caabuqa coronavirus wuxuu weeraraa unugyada sambabada, wuxuu kordhiyaa caabuqa jirka gudihiisa iyo sida uu jirku isaga difaaco caabuqa.
Aduunka oo dhan, in ka badan 70% bukaanka u baahday xanaano degdeg ah waxay hore u qabeen xanuuno kale.
Maqaalkan waxaan ku faahfaahinaynaa qaar ka mid ah xaaladaha caafimaad ee aadka ugu nugul COVID-19 ama ha noqoto awood yarida xubin jirka ah ama difaaca jirka oo liita, sida kansarka, qof qaliin soo maray oo daawo u socoto.
Xanuunada ugu daran ee qofka qaba COVID-19 dhibaatada ugu badan kasoo gaari karto waxaa ka mid ah: Xanuunada sambabka oo aan bixin, neefta, xanuunada wadnaha, sonkorta, xanuunada beerka iyo kuwa kalyaha.
Neefta
Neef waa xanuun uu keeno caabuq ku dhaca neef mareenka sidii la rabayna uusan u shaqayn iyadoo calaamad ay u yihiin qufac, hiinraag, neefta oo ku dhagta ama neefsan waaya. Waxaa lagu qiyaasaa inay qabaan dad ku dhaw 11% shacabka Australia oo dhan.
Dadka dalka loogu yimid ayaa uga badan asmada shacabka intiisa kale. In qofka neeftu qabato waxaa dhalin kara waxkasta oo neef mareenka dhibaateeya. Dadka qaba asmada waa inay taxadar dheeraad ah muujiyaan maadaam COVID-19 uu sidoo kale weeraro neef mareenka.
Xanuunada kale ee sambabka
Xanuunada kale ee sambabada oo ku badan Australia waxaa ka mid ah: Burunkiito, kansarka sambabada iyo tiibishada iyo qaar kale. Macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan xanuunada sambabka (English) Booqo
Xanuunka Wadnaha
Daraasada caalamiya ayaa muujinaysa in dadka qaba xanuunada wadnaha ay qatar wayn ugu jiraan inay u dhintaan COVID-19 marka loo barbardhigo shacabka intiisa kale, mana ah inay uga qatar badan yihiin inuu ku dhaco ee waxay uga qatar badan yihiin inay aad ugu xanuunsadaan hadduu ku dhaco COVID-19. COVID-19 wuxuu caabuq ku keenaa murqaha wadnaha taasoo dhaawici karta wadnaha markaasna sababi karta in qofka wadnahu istaago.
Qaab nololeed caafimaad leh waa lagama maarmaan: Inaad Jimicsato, inaad cunto cunto isu miisaaman, mar walba biyo cabto, hurdo kugu filana seexato. Ururka Caafimaadka Aduunka ayaa ku taliyay in dadku sameeyaan 150 daqiiqo oo jimicsi sahlan ama 75 daqiiqo oo jimicsi adag asbuuc kasta ama labadaas oo la isku daray.
Sonkorta (Diabetes)
Dadka qaba sonkorta waxay wajahaan caqabado caafimaad oo dheeraad ah. Hay'ada Diabetes Australia waxay ku talinaysaa inay iska talaalaan hargabka iyo inay maareeyaan heerka gulukowska dhiiga. Dadka qaba sonkorta waxay qatar wayn ugu jiraan in hargabku ku xumaado, waxay kaloo u badan tahay inay ku dhacaan xanuunada neefmareenka marka loo barbardhigo dadka aan qabin sonkorta. Sonkortu waxay keenta in jirku iska difaaci waayo caabuqa, waxaana dhici karta in caabuqu sambabada galo. Bukaan badan oo qaba sonkorta nooca 2 aad (type 2) waa dad buuran ama aad u cayilan waxayn qatar wayn ugu jiraan caabuq.
Xanuunada Beerka
Dadka la nool cagaarshowga (Hepatitis) nooca B iyo C ama qaba xanuun kale oo beerka ah waa inay qaataan talaabooyinka lagula taliyay inay isku difaacaan shacabka guud. Waa inay digtoonaadaan oo ay raacaan talooyin ay isaga difaacaan COVID-19. Dadka qaba xanuun beerka ah oo wayn waxaa lagula talinayaa qaataan talaalka hargabka iyo kan burunkiitada.
- Macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan Hepatitis iyo COVID-19 (English) Booqo
- Macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan COVID-19 iyo Chronic Hepatatis B (English) Booqo
- Macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan COVID-19 iyo Chronic Hepatatis C (English) Booqo
Xanuunada Kalyaha
Dadka qaba xanuunada kalyaha waa inay ogaadaan inay qatar wayn ugu jiraan in sida hargbaka uu COVID-19 ku xumaan karo. COVID-19 wuxuu saamaynayaa sida kalyuhu u shaqeeyaan haddii qofku xanuunsan yahay uusana biyo ku fina cabin ama uu hore u qabay caabuq kale.
Daawaynta Kansarka
Markuu qofka kansar ku dhaco, wuxuu wiiqaa difaaca jirka qofka, waana inay raacaan talooyinka iyo taxadarka u gaarka ah ee ay siiyaan dhaqaatiirtoodu si loo yareeyo qatarta caabuq inta daawadu u socoto. Waa lagama maarmaan inay guriga joogaan markasta oo ay suurto gal tahay ayna ka baaqsadaan safar aan daruuri ahayn, aysana raacin gaadiidka dadweynah. Difaaca jirka bukaanku wuxuu la mid yahay xaalada uu ku jiro qofka la qalay oo daawadu u socoto.
- Australia, dadku waa inay isu jirsadaan ugu yaraan mirit iyo bar. Hubi xayiraadaha gobolkaagu ku soo rogay inta qof ee kulmi karta.
- In la iska baaro coronavirus hadda wadanka oo dhan waa laga helayaa. Haddii aad isku aragto calaamadaha hargabka ama qabowga, wac dhaqtar oo balan la samyso in lagaa baaro xanuunka ama la xariir lambarka macluumaadka coronavirus oo ah 1800 020 080.
- Appka lagu raad raaco xanuunka COVIDSafe ee dawladu soo bandhigtay ayaa hadda dadka ka soo dagsan karaan app store-ka.
- SBS waxaa ka go'an inay ku wargaliso bulshooyinka dhaqamada kala duwan ee Australia wararkii u danbeeyay ee COVID-19.