- Lacag-bixinta musiibada COVID-19 ayaa la yareyn doonaa marka gobolladu gaaraan boqolkiiba 70 heerka tallaalka dadka waaweyn
- Victoria waxay diiwaangelisay 950 keys oo cusub oo ah COVID -19 noqdayna keys-maalinlihii ugu badna tan iyo intii safmareenku bilaabmay
- Laga bilaabo Oktoobar 11 -keeda laba qof oo si buuxda loo tallaalay ayaa booqan kara dadka deggan daryeelka waayeelka ee NSW
Victoria
Victoria waxay diiwaangelisay 950 keys oo cusub COVID-19 iyo toddoba dhimasho.
Xayiraadaha qaar ayaa laga fududeeyay qaar ka mid ah deegaannada, laakiin Latrobe Valley ayaa la galiyay xiritaan toddobo maalmood ah si loo xakameeyo faafitaanka COVID-19 ee sii kordhaya oo la rumeysan yahay inuu xiriir la leeyahay kulan qoys.
Xeerarka qaarkood ayaa la fududeeyay laga bilaabo maanta oo ay ka mid tahay in la ballaadhiyo xadka safarka ee magaalada Melbourne oo la gaarsiiyo 15km iyo dib u bilaabista cayaaraha aan is-taabashoda lahayn sida tennis -ka iyo golf -ka.
New South Wales
NSW ayaa diiwaangelisey 863 keys oo cusub iyo 15 dhimasho ah. Premieradda NSW Gladys Berejiklian, ayaa sheegtay in guud ahaan tirooyinka isbitaalku ay wali ka hooseeyaan qiyaastee la saadaaliyay.
Laga bilaabo Oktoobar 11-keeda, dadka deggan guryaha daryeelka waayeelka ayaa waxaa soo booqan kara isku mar labo qof oo si buuxda u tallaalan.
New South Wales waxay tallaalka koowaad ka gaaddhay 86.2% iyo 61.7% tallaalka labaad ahlabaad, iyadoo 44.5% carruur ah oo da'doodu u dhaxayso 12-15 la siiyay tallaalka koowaad.
Queensland
Queensland ayaa laga diiwaan geliyey hal keys oo cusub oo COVID-19 ah. Keys kale ayaa jira oo aan tirada lagu darin waa NSW baa laga ogaadey.
Xayiraadaha facemask ayaa hadda lagu fidiyay deegaanka dowlad-deegaanka Gold Coast.
Sarkaalka Sare ee Caafimaadka, Jeannette Young, ayaa sheegtay inaanay jirin baahi loo qabo xannibaad laakiin taasi is beddeli karto hadday soo baxaan calaamado muujinayaa in faafid weyni ka dhex dhacday bulshada.
Around Australia over the past 24 hours
- Lacag bixinta masiibada COVID-19 ayaa yaraan doonta marka tallaalka COVID-19 ee dadka qaan-gaadhka ah ee gobolladu gaadho boqolkiiba 70
Karantiilka, Socdaalka, goobaha baadhitaanka iyo lacagta dhibaatada safmareenka
Karantiilidda iyo baadhidda caabuqaba waxaa maamula oo muquuniya dowlad-goboleedyada:
Haddii aad rabto inaad waddanka ka dhoofto, waxaad online ku dalban kartaa fasax Halkna riix si aad uga hesho shuruudaha ku xidhan ka dhoofitaanka Ausralia. Duullimyaadyada caalamiga waxaa ka jira tallaabooyin ku meel gaadh ah oo dowladdu si isdabo-joog ah dib ugu qiimayso, waxaana macluumkooda ugu dambeeya lagu daabacaa website-ka Smart Traveller website.
- War iyo macluumaad ku qoran in ka badan 60 luqadood sbs.com.au/coronavirus
- Hagayaasha ku khuseeya ee gobolkaaga: NSW, Victoria, Queensland, Western Australia, South Australia, Northern Territory, ACT, Tasmania.
- Macluumaad ku saabsan Tallaalka COVID-19 LUQADDAADA.·
Booqo NSW Multicultural Health Communication Service's translated:
Goobaha tallaalka ee gobol walba:
Macluumaadka lacagta lagu bixiyo dhibaatada safmareenka ee gobolkaaga: