Watch FIFA World Cup 2026™

LIVE, FREE and EXCLUSIVE

COVID-19 Update: Birimiyeerka NSW oo rajeynaysa in 'COVID NORMAL' la gaadho ugu dambayn 1da December.

NSW ayaa hadda loo fasaxay dabbaasha berkedaha bannaanka iyadoo 11-ka Ocotoberna xannibaadaha lasii khafiifin doono. Birimiyeer Daniel Andrew ayaa ku dhawaaqay inuu deeqo taxane ah siin doono,farmiyayaasha iyo dhakhaartiirta gaarka ee 11 degmo oo keysaskoodu sarreeyaan.

fff

ggg Source: SBS


 

•  NSW oo qeexaysaa qorshe-howleed saddex-marxaladood ah oo lagaga baxayo xannibaadda

•  Victoria oo ku dhawaaqday deeqo la siinayo GP -yada iyo farmasiiyada si kor loogu qaado dadaalka tallaalka

•  ACT waxay diiwaangeley geerida ugu horreysa ee la xiriirta COVID -ta hadda socota


New South Wales

NSW waxay diiwaangelisay 787 kays oo cusub oo lagu kala qaaday gudaha gobolka iyo 12 dhimasho ah.Barkadaha lagu dabbaasho ee bannaanka ayaa loo oggol yahay inay dib u furmaan, goobaha dhismeyaashuna, hadda dib ayay si buuxda ugu shaqayn doonaan iyagoo dejinaya  qorshayaasha badbaadada COVID.

 

Birimiyeeradda, Gladys Berejiklian, ayaa xaqiijiyay in xannibaadahu sii fududaan doonaan 11ka Oktoobar, waxayna ku dhawaaqday wax ka beddelka 70 % qorshaha dib-u-furidda, iyadoo socdaalka gobolka hadda aan la oggoleyn ilaa gobolku gaaro 80 boqolkiiba bartilmaameedka tallaalka.

 

Birimiyeeraddu waxay sharraxday qorshe -hawleedka lagu fududaynayo xannbaadaha marka la gaadho boqolkiiba 80 labad tallaal-ba ah, markaas oo martida labadii tallaalba qaadatay ee aroosyada ka qayb geleysa, laga qaadi doono xadidaadda hadda saran, cayaaraha bulshadu dib u bilaabmi doonaan, guryhana loo oggolaan doono inay toban qof isugu yimaaddaan.

Marxaladda saddexaad ee, “COVID Normal”, ayaa loo dejiyay 1da Diseembar, markaas oo la filayo in gobolku gaaro 90 boqolkiiba labada tallaalba.

 

Guji si aad u maanta u ballansato tallaalkaaga  

Victoria

Fiktooriya waxay diiwaangelisay 705 kays oo cusub oo laga helay gudaha iyo hal dhimasho.

 

Birmiyeer, Daniel Andrews, ayaa ku dhawaaqay deeqo taxane ah oo loo heli karo GP -yada iyo farmashiyeyaasha bulshada ee kow iyo toban degmo oo kaysaskoodu sarreeyaan iyo heerkooda tallaalka oo hooseeya, kuwaas oo ay ku jiraan Moreland, Brimbank, Cardinia, Casey, Darebin, Greater Dandenong, Hobsons Bay, Melton, Whitlesea, Windsor, iyo Hume.

Raadi xarun tallaal oo kuu dhow.

Australian Capital Territory

ACT waxaa laga diiwaangeliyay 19 kiis oo cusub oo laga helay gudaha iyo hal dhimasho.Canberra, labo qof oo qudha ayaa booqan kara guri, waxaana wakhtiga madadaalada laga dhigi doonaa afar saacadood, laga bilaabo 1da Oktoobar.

wargelin
Source: SBS
wargelin
Source: SBS

Guji halkan si aad u ballansat tallaalkaaga COVID-19

Karantiilka, Socdaalka, goobaha baadhitaanka iyo lacagta dhibaatada safmareenka

Karantiilidda iyo baadhidda caabuqaba waxaa maamula oo muquuniya dowlad-goboleedyada:

NSW Safarka & gaadiidka iyo Karantiilka

VIC  Fasaxa socdaalkaSocdaayaalayaasha debedda and Karantiilka

ACT Gaadiidka iyo Karantiilka

NT  Socdaalkaravel iyo Karantiilka

QLD Socdaalka iyo Karantiilka

SA  Socdaalka  iyo Karantiilka

TAS  Socdaalka iyo Karantiilka

WA  Socdaalka iyo Karantiilka

 

Haddii aad rabto inaad waddanka ka dhoofto, waxaad online ku dalban kartaa fasax Halkna riix si aad uga hesho shuruudaha ku xidhan ka dhoofitaanka Ausralia. Duullimyaadyada caalamiga waxaa ka jira tallaabooyin ku meel gaadh ah oo dowladdu si isdabo-joog ah dib ugu qiimayso, waxaana macluumkooda ugu dambeeya lagu daabacaa website-ka  Smart Traveller website.

 


·        


Booqo NSW Multicultural Health Communication Service's translated:

COVID-19 Vaccination Glossary
Xasuusiyaha ballamaha .


Goobaha tallaalka ee gobol walba:

NSW 

Victoria 

Queensland 

South Australia 

ACT 

Western Australia 

Tasmania

Northern Territory 

Macluumaadka lacagta lagu bixiyo dhibaatada safmareenka ee gobolkaaga:

NSW 

Victoria 

Queensland 

South Australia 

ACT 

Western Australia 

Tasmania
Northern Territory

 

 


3 min read

Published

Presented by Abdinur Ismail


Share this with family and friends


Follow SBS Somali

Download our apps

Listen to our podcasts

Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS

Somali News

Watch now