• NSW oo qeexaysaa qorshe-howleed saddex-marxaladood ah oo lagaga baxayo xannibaadda
• Victoria oo ku dhawaaqday deeqo la siinayo GP -yada iyo farmasiiyada si kor loogu qaado dadaalka tallaalka
• ACT waxay diiwaangeley geerida ugu horreysa ee la xiriirta COVID -ta hadda socota
New South Wales
NSW waxay diiwaangelisay 787 kays oo cusub oo lagu kala qaaday gudaha gobolka iyo 12 dhimasho ah.Barkadaha lagu dabbaasho ee bannaanka ayaa loo oggol yahay inay dib u furmaan, goobaha dhismeyaashuna, hadda dib ayay si buuxda ugu shaqayn doonaan iyagoo dejinaya qorshayaasha badbaadada COVID.
Birimiyeeradda, Gladys Berejiklian, ayaa xaqiijiyay in xannibaadahu sii fududaan doonaan 11ka Oktoobar, waxayna ku dhawaaqday wax ka beddelka 70 % qorshaha dib-u-furidda, iyadoo socdaalka gobolka hadda aan la oggoleyn ilaa gobolku gaaro 80 boqolkiiba bartilmaameedka tallaalka.
Birimiyeeraddu waxay sharraxday qorshe -hawleedka lagu fududaynayo xannbaadaha marka la gaadho boqolkiiba 80 labad tallaal-ba ah, markaas oo martida labadii tallaalba qaadatay ee aroosyada ka qayb geleysa, laga qaadi doono xadidaadda hadda saran, cayaaraha bulshadu dib u bilaabmi doonaan, guryhana loo oggolaan doono inay toban qof isugu yimaaddaan.
Marxaladda saddexaad ee, “COVID Normal”, ayaa loo dejiyay 1da Diseembar, markaas oo la filayo in gobolku gaaro 90 boqolkiiba labada tallaalba.
Victoria
Fiktooriya waxay diiwaangelisay 705 kays oo cusub oo laga helay gudaha iyo hal dhimasho.
Birmiyeer, Daniel Andrews, ayaa ku dhawaaqay deeqo taxane ah oo loo heli karo GP -yada iyo farmashiyeyaasha bulshada ee kow iyo toban degmo oo kaysaskoodu sarreeyaan iyo heerkooda tallaalka oo hooseeya, kuwaas oo ay ku jiraan Moreland, Brimbank, Cardinia, Casey, Darebin, Greater Dandenong, Hobsons Bay, Melton, Whitlesea, Windsor, iyo Hume.
Australian Capital Territory
ACT waxaa laga diiwaangeliyay 19 kiis oo cusub oo laga helay gudaha iyo hal dhimasho.Canberra, labo qof oo qudha ayaa booqan kara guri, waxaana wakhtiga madadaalada laga dhigi doonaa afar saacadood, laga bilaabo 1da Oktoobar.


Source: SBS

Source: SBS
Karantiilka, Socdaalka, goobaha baadhitaanka iyo lacagta dhibaatada safmareenka
Karantiilidda iyo baadhidda caabuqaba waxaa maamula oo muquuniya dowlad-goboleedyada:
Haddii aad rabto inaad waddanka ka dhoofto, waxaad online ku dalban kartaa fasax Halkna riix si aad uga hesho shuruudaha ku xidhan ka dhoofitaanka Ausralia. Duullimyaadyada caalamiga waxaa ka jira tallaabooyin ku meel gaadh ah oo dowladdu si isdabo-joog ah dib ugu qiimayso, waxaana macluumkooda ugu dambeeya lagu daabacaa website-ka Smart Traveller website.
- War iyo macluumaad ku qoran in ka badan 60 luqadood sbs.com.au/coronavirus
- Hagayaasha ku khuseeya ee gobolkaaga: NSW, Victoria, Queensland, Western Australia, South Australia, Northern Territory, ACT, Tasmania.
- Macluumaad ku saabsan Tallaalka COVID-19 LUQADDAADA.
·
Booqo NSW Multicultural Health Communication Service's translated:
Goobaha tallaalka ee gobol walba:
Macluumaadka lacagta lagu bixiyo dhibaatada safmareenka ee gobolkaaga: