- Dowladda federaaliga ah ayaa 4 bilood ka dhigaysa muddada u dhexaysa tallaalkii ugu dambeeyey iyo kan tallaal-xoojiyaha (booster), iyadoo qaadatay taladd Australian Technical Advisory Group on Immunisation (ATAGI).
- Wasiirka caafimaadka heer federal, Greg Hunt, ayaa sheegay in muddada labada tallaal u dhexaysa laga dhigayo 4 bilood laga bilaaba 4-ta Jannaayo, ka dibna laga dhigi doono 3 bilooda laga bilaabo 31-ka Jannaayo
- Sarkaalka sare ee caafimaadka, Paul Kelly, ayaa dadka u sheegay in aanay tirada keysasku muhiim ahayn, laakiin ku boorriyey dada inay qaataan duritaankooda tallaal-xoojiyaha
- NSW-na xidhashada face-maska ee gudaha oo laga reebay guryahaya, ayaa khasab laga dhigay laga bilaabo 27-ka December illaa 27-ka Jannaayo.
- Victoria ayaa khamiista amartay in face-maska la xirto, Western Australiana waxay face-maska ku sharciyaysa in loo xirto goobaha dadweynaha ee dedan iyo baraha caweyska illaa 28-ka December.
- Socdaalayaasha Victoriana waxay waajahayaan dib-u-dhac, ka dib markii shaqaale diyaaradeed lagu khasbay xannibaad maalinka chrismas eve-ka.
- Tirada goobaha exposure sites-ka Perth ayaa sii kordhay, iyaduu ay mas'uuliyiintu ku daba joogaan in uu fayrasta fidiyey nin faraysta qabey oo dalxiis ahaa.
TIROOYINKA COVID-19
New South Wales oo laga helay 5,612 keys oo cusub oo COVID-19 ah iyo hal dhimasho ah
Victoria oo laga helay 2,095 keys oo cusub oo COVID-19 ah iyo siddeed dhimash ah
Queensland oo laga helay 589 keys, ACT-na 102 keys iyo Tasmania oo ah 27 keys.
Tallaabooyinka hadda taagan ee lagaga hor tegayo saf-mareenka COVID-19 oo luqaddaada ku qoran halkan ka hel.
Xannibaadaha Karantiilka ee Gobollada
Halkan ka raadi waxa aad qaban karto ama aadan qaban karin gobolkaaga
Socdaalka
Halkan ka hel macluulaadka socdaalayaasha caalamiga ah iyo COVID-19 iyo macluumaadka socdaalka oo kuu qoran luqaddaada
Kaalmo dhaqaale
Is-beddel baa lagu samaynayaa lacagta taageerada masiibada COVID-19 tallaalka buuxa ee gobolladu gaadho 70 iyo 80 boqoliiba. Halkan ka raadso sida luqaddaada kaalmo loogu helo inta uu socdoa COVID-19
- Warar iyo macluumaad ku qoran in ka badan 60 luqadood ka hel sbs.com.au/coronavirus
- Tilmaamaha ku khuseeya ee gobolkaaga : NSW, Victoria, Queensland, Western Australia, South Australia, Northern Territory, ACT, Tasmania.
- Macluumaad ku saabsan Tallaalka COVID-19 oo ku qoran luqaddaada
Booqo macluumaad la turjumay oo daabacdayt NSW Multicultural Health Communication Service:
COVID-19 Eray-bixinta Tallaalka
Aaladd online-ka ee ballamaha lagu samaysto.
