COVID-19 update: Dawlada Federal ayaa ku dhawaaqday baasaboor talaal October marka la gaaro

Waa wararkii u danbeeyay ee Coronavirus-ka Australia 8 Sebtember 2021.

A member of the public scans a QR code to check into a seafood store in Bankstown, Sydney, Wednesday, September 8, 2021. (AAP Image/Bianca De Marchi) NO ARCHIVING

A member of the public scans a QR code to check into a seafood store in Bankstown, Sydney, Wednesday, September 8, 2021. Source: AAP Image/Bianca De March

  • Haraadiga caabuqa COVID-19 oo laga helay mid-north coast  NSW
  • Marka laga reebo Shepparton, gobolada Victoria ee ka baxsan Melbourne ayaa xanibaadaha laga qafiifinayaa.
  • ACT oo ku boorinaysa ardayda fasalka 12 aad inay telefoonka wacaan oo waqti lagu duro talaalka ku balansadaan.

New South Wales

NSW ayaa diiwaan galisay 1,480 oo kaysas cusub oo COVID-19 ah iyadoo sidoo kale sagaal qof u dhinteen oo todoba ka mid ah aysan talaalnayn.

Haraadiga caabuqa ayaa laga helay aagaga Bonny hills, halka xaafadaha Glebe, Waterloo, Redfern iyo Marrickville si gaar ah loo magacaabay maadaama ay kaysasku ku kordheen.

Premierad Gladys Berejiklian ayaa sheegtay in 75%  dadka deggan NSW ay hadda qaateen talaalka koowaad halka 45% ay labada talaalba qaateen.

Halkan riix si aad u balansato waqtiga talaalka.

Victoria

Victoria waxaa laga diiwaan galiyay maalin kale 221 oo kaysas cusub ah oo 98 kays oo ka mid ah lala xariirinayo kaysas hore loo ogaa.

Laga bilaabo habeen barkii 9 bishan Sebtember xanibaadaha gobolada Victoria ee ka baxsan melbourne marka laga reebo Sheperton ayaa xanibaadaha laga qaadayaa taas oo macneheedu yahay in shanta sababood ee guryaha looga baxayo aysan qusayn iyaga.

Waxaa banaan 10 kun oo fursadood oo lagu balansan karo tallaalka AstraZeneca todobaadka soo socda.

Halkan ka fiiri xarumaha tallaalka ee ku dhow.

Australian Capital Territory

ACT waxaa laga diiwaan galiyay 20 kays oo cusub oo ugu yaraan 11 ka mid ah iyagoo xanuunka qaba bulshada ku dhex jireen.

Ardayda dhigata fasalka 12 aad ayaa lagu booriyay inay sii balansadaan talaal iyaga loo hormarinayo ka hor 17 Sebtember  AIS Arena COVID-19 mass vaccination clinic addoo wacaya lambarka  02 5124 7700.

Halkan riix si aad balan talaal u samaysato.

24 saacadood u danbeeyay ee Australia
  • Dawlada federalka ah ayaa ku dhawaaqday baasaaboor tallaal oo loogu talo galay dadka dibadda u dhoofaya laga bilaabo bisha October iyadoo aan la cadayn marka xadka caalamiga ah ee Australia la furayo.

Karantiilka, Socdaalka, goobaha baadhitaanka iyo lacagta dhibaatada safmareenka

Karantiilidda iyo baadhidda caabuqaba waxaa maamula oo muquuniya dowlad-goboleedyada:

NSW Safarka & gaadiidka iyo Karantiilka

VIC  Fasaxa socdaalkaSocdaayaalayaasha debedda and Karantiilka

ACT Gaadiidka iyo Karantiilka

NT  Socdaalkaravel iyo Karantiilka

QLD Socdaalka iyo Karantiilka

SA  Socdaalka  iyo Karantiilka

TAS  Socdaalka iyo Karantiilka

WA  Socdaalka iyo Karantiilka

 

Haddii aad rabto inaad waddanka ka dhoofto, waxaad online ku dalban kartaa fasax Halkna riix si aad uga hesho shuruudaha ku xidhan ka dhoofitaanka Ausralia. Duullimyaadyada caalamiga waxaa ka jira tallaabooyin ku meel gaadh ah oo dowladdu si isdabo-joog ah dib ugu qiimayso, waxaana macluumkooda ugu dambeeya lagu daabacaa website-ka  Smart Traveller website.

 


 


Share

3 min read

Published

By SBS/ALC Content

Source: SBS




Share this with family and friends


Follow SBS Somali

Download our apps

Listen to our podcasts

Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS

Somali News

Watch now