- Dubbo, New South Wales oo xayiraade lagu soo rogey
- Shan keys oo cusub oo Victoria laga baadhayo meeshay ka yimaaddeen
Cairns oo oo xayiraaddii laga dul qaaday
Victoria
20 keys oo cusub ayaa laga helay Victoria oo COVID-19 ah, oo 5 ka mid ahi aanay la xidiidhsanayn ilaha la xaqiijiey, halka 6 ka mid ahi, ay bulshada ku dhix jireen iyagoo COVID-19ka qaba.
Primierka Victoria, Daniel Andrews ayaa sheegay xayiraadda la kordhin doono illaa ugu soo horreyn khamiista bishu tahay 19ka.
Halkan ka raado taxanaha goobaha tallaalka
New South Wales
New South Wales waxaa laga helay 344 keys oo cusub oo COVID-19 ah oo 65 ka mid ahi kuu dhex jireen bulshada iyaga oo qaba COVID-19ka. 2 qof oo aan tallaalka qaadanin ayaa COVID-9ka awgii u dhintay, kuwaasoo kala aha nin sagaashameeyo jir ah, in nin soddomeeyo jira ah oo qabey arrimo caafimaad oo kale.
Dadweynaha dowlad deegaanka Dubbo ee dhinaca New South Wales, ayaa geli doona xayiraad hal toddobaad ah, laga bilaabo 1da duhurnimo ee maanta, ka dib markii 2 keys oo cusub laga diiwaan geliyey deegaankaas.
Sarkaaladda caafimaaka ee New South Wales, Dr Kerry Chant, in ay 62ka qof eeku jira gargaarka degdegga ah (intensive care), aanay 57 ka mid ahi is tallaalin, iyadoo 5 ka mid ahi qaateen duritaankii koowaad oo keliya.
Halkan ka raadi taxanaha goobaha tallaalka.
Queensland
Queensland waxaa laga diiwan geliyey 4 keys oo cusub oo COVID-19 ah, kuwaasoo lala xidhiidhiyey dib-u-qaraxyadii awelba jirey, isla markaana karantiil ku jirey muddadii ay COVID-19ka qabeen oo dhan.
Xayiraaddi 3da maalmood ahayd ee lagu soo rogay Cairns iyo Yarrabah, ayaa dhammaan doonta maanta 4-ta galabnimo iyadoo xannibaadaha qaarkood sii socon doonaan.
Sarkaaladda caafimaadka Dr Jeannette Young, yaa ku adkaysay carruurta da'doodu u dhexayso 12-15 sannandood, ee qaba xannuunno kale, inay isu diiwaan geliyaan tallaalka.
Halkan guji si aad u samaysato ballaan.
Karantiilka, Socdaalka, goobaha baadhitaanka iyo lacagta dhibaatada safmareenka
Karantiilidda iyo baadhidda caabuqaba waxaa maamula oo muquuniya dowlad-goboleedyada:
NSW Safarka & gaadiidka iyo Karantiilka
VIC Fasaxa socdaalka, Socdaayaalayaasha debedda and Karantiilka
ACT Gaadiidka iyo Karantiilka
NT Socdaalkaravel iyo Karantiilka
QLD Socdaalka iyo Karantiilka
SA Socdaalka iyo Karantiilka
TAS Socdaalka iyo Karantiilka
WA Socdaalka iyo Karantiilka
Haddii aad rabto inaad waddanka ka dhoofto, waxaad online ku dalban kartaa fasax Halkna riix si aad uga hesho shuruudaha ku xidhan ka dhoofitaanka Ausralia. Duullimyaadyada caalamiga waxaa ka jira tallaabooyin ku meel gaadh ah oo dowladdu si isdabo-joog ah dib ugu qiimayso, waxaana macluumkooda ugu dambeeya lagu daabacaa website-ka Smart Traveller website.
- War iyo macluumaad ku qoran in ka badan 60 luqadood sbs.com.au/coronavirus
- Hagayaasha ku khuseeya ee gobolkaaga: NSW, Victoria, Queensland, Western Australia, South Australia, Northern Territory, ACT, Tasmania.
- Macluumaad ku saabsan Tallaalka COVID-19 LUQADDAADA.
Booqo NSW Multicultural Health Communication Service's translated:COVID-19 Vaccination Glossary
Xasuusiyaha ballamaha .
Goobaha tallaalka ee gobol walba:NSW Victoria Queensland South Australia ACT Western Australia TasmaniaNorthern Territory
Macluumaadka lacagta lagu bixiyo dhibaatada safmareenka ee gobolkaaga:NSW Victoria Queensland South Australia ACT Western Australia Tasmania
Northern Territory
