- NSW ayaa ku dhawaaqday inay tijaabinayso in dadka labada tallaal qaatay ee dibada ka soo noqday guryohooda lagu karantiilo
- Victoria waxay qafiifinaysaa xanibaadaha laga bilaabo caawa habeen barkii
- ACT waxay tallaalka qasab uga dhigaysaa shaqaalaha la shaqeeya dadka waayeelka ah
- Queensland waxay diiwaan galisay kays guri ku karantiilnaa
New South Wales
NSW waxay diiwaan galisay 1,284 oo kays oo cusub iyo 12 qof oo kale ay u geeriyoodeen COVID-19, oo ay ku jiraan labo nin 20 meeyo jir ahaa. Sadex ka mid ah dadka dhintay waxay ahaayeen dad waayeel ah oo ku noolaa xarun dadka waayeelka ah lagu hayo oo ku taal magaalada Dubbo, 7 ka mid ahna ma ay tallaalnayn.
Premierada NSW Gladys Berejiklian ayaa ku dhawaaqday qorshe tijaabo ah oo lagu doonayo in 7 maalmood gurigooda lagu karantiilo dadka safarada ka yimaada oo labada tallaalba qaatay. Qaybta hore ee tijaabada ayaa waxaa ka qayb qaadanaya 175 qof waxaana la filayaa in la bilaabo dhamaadka bishan.
Halkan riix si aad u balansato tallaalka maanta.
Victoria
Victoria waxaa laga diiwaan galiyay 510 kays oo cusub oo bulshada dhexdeeda la isku qaadsiiyay, hal qofna waa u dhintay caabuqa.
Laga bilaabo caawa habeen barkii, dadka qaatay hal tallaal ama aan tallaalnayn ayaa loo ogol yahay inay qof kale oo kula lugeeyaan ama fariistaan meel dibad ah, halka dadka qaatay labada tallaal ay 5 qof ku kulmi karaan oo labo qoys ka kala socda iyo caruurtooda.
Qorshaha dhamaystiran ee dawlada ee looga baxayo xanibaadaha jiridoona ilaa Nofember ayaa la soo bandhigidoonaa maankinta Axada 19 Sebtember.
Halkan ka fiirso xarumaha tallaalka ee kuu dhow.
Australian Capital Territory
ACT ayaa laga diiwaan galiyay 30 kays oo cusub oo gobolka gudihiisa la isku qaadsiiyay oo ugu yaraan 14 ka mid ah ay bulshada ku dhex jireen iyaga oo xanuunka qaba.
Laga bilaabo maanta, waxaa dhaqan galaya sharci qasab ka dhigaya in shaqaalaha la shaqeeya dadka waayeelka ah ay qaataan tallaalka haddii kale ay soo gali karin goobta shaqada iyagoo ugu yaraan aan qaadan tallaalka koowaad.
Halkan ka samayso balanta tallaalka COVID-19.
24 saacadood ee u danbeeyay iyo Australia oo dhan
- Laga bilaabo todobaadka soosocda, Tasmania ayaa bilaabaysa tijaabo dadka ka imanaya gobolada NSW ee ka baxsan Sydney guryaha lagu karantiilayo. Tijaabadan ayaa socondoonta 30 maalmood.
Karantiilka, Socdaalka, goobaha baadhitaanka iyo lacagta dhibaatada safmareenka
Karantiilidda iyo baadhidda caabuqaba waxaa maamula oo muquuniya dowlad-goboleedyada:
NSW Safarka & gaadiidka iyo Karantiilka
VIC Fasaxa socdaalka, Socdaayaalayaasha debedda and Karantiilka
ACT Gaadiidka iyo Karantiilka
NT Socdaalkaravel iyo Karantiilka
QLD Socdaalka iyo Karantiilka
SA Socdaalka iyo Karantiilka
TAS Socdaalka iyo Karantiilka
WA Socdaalka iyo Karantiilka
Haddii aad rabto inaad waddanka ka dhoofto, waxaad online ku dalban kartaa fasax Halkna riix si aad uga hesho shuruudaha ku xidhan ka dhoofitaanka Ausralia. Duullimyaadyada caalamiga waxaa ka jira tallaabooyin ku meel gaadh ah oo dowladdu si isdabo-joog ah dib ugu qiimayso, waxaana macluumkooda ugu dambeeya lagu daabacaa website-ka Smart Traveller website.
- War iyo macluumaad ku qoran in ka badan 60 luqadood sbs.com.au/coronavirus
- Hagayaasha ku khuseeya ee gobolkaaga: NSW, Victoria, Queensland, Western Australia, South Australia, Northern Territory, ACT, Tasmania.
- Macluumaad ku saabsan Tallaalka COVID-19 LUQADDAADA.
Booqo NSW Multicultural Health Communication Service's translated:COVID-19 Vaccination Glossary
Xasuusiyaha ballamaha .
Goobaha tallaalka ee gobol walba:NSW Victoria Queensland South Australia ACT Western Australia TasmaniaNorthern Territory Macluumaadka lacagta lagu bixiyo dhibaatada safmareenka ee gobolkaaga:NSW Victoria Queensland South Australia ACT Western Australia Tasmania
Northern Territory
