- Imtixaanada dugsiga sare ee NSW oo dib loo dhigay ilaa 9 Nofember
- 10 kays ee COVID-19 Victoria mid ayaa ku dhacay qof deggan Shepperton
- ACT oo wax ka badalaysa xanibaadaha saaran ganacsiyada
- Hay'adda Daawooyinka Australia (ATAGI) ayaa ansixisay in talaalka PFizer lagu duri karo caruurta da'doodu u dhaxayso 12-15.
New South Wales
NSW ayaa laga diiwaan galiyay 882 kays oo cusub oo coronavirus ah, iyadoo 80% kaysaska laga helay Galbeedka iyo Koofur Galbeed Sydney. Labo qof oo da'doodu kala ahayd 60 meeyo iyo 90 meeyo jiro ayaa u dhintay cudurka.
Premierad Gladys Berejiklian ayaa ku dhawaaqday qorshe ardaydu fasalada dib ugu noqonayaan:
- Laga bilaabo 25 October - Ardayda Kindergarten iyo sanadka koowaad
- Laga bilaabo 1 November - Sanadaha 2, 6 iyo 11
- Laga bilaabo 8 November - Sanadaha 3, 4, 5, 7, 8, 9 iyo 10
Talaalka ayaa qasan looga dhigayaa dhamaan shaqaalaha iskuulada oo dhan laga bilaabo 8 Nofember, laakiin mudnaanta koowaad ayaa la siinayaa laga bilaabo 6 Nofember.
Samayso balanta talaalka maanta.
Victoria
Victoria waxay diiwaan galisay 79 kays oo cusub oo Covid-19 ah oo gobolka gudihiisa la isku qaadsiiyay oo 53 ka mid ah lala xariirinayo kaysas hore halka 25 kays aan la garanayn meesha ay laga soo qaaday.
Ku dhawaad16,000 qof oo deggan Shepparton oo guud ahaan shacabka ku nool ay gaaraan 65,000, ayaa la aaminsan yahay inay guryohooda ku karantiilan yihiin iyadoo dukaano, farmashiyayaal iyo xarumo kale lagu qasbay in xiraan shaqaale yari awgeed.
Halkan ka fiiri xarunta talaalka ee kuugu dhow.
Australian Capital Territory
ACT waxaa laga helay 21 kays oo cusub oo gobolka gudihiisa la isku qaadsiiyay taasoo tirada guud oo dadka qaba xanuunka gaarsiinaysa 209 kays.
Caasimada dalka ayaa looga dhawaaqay isbadalo dhaqan galaya 11.59 caawa oo la xariira meheradaha, adeegyada qashinka qaada, goobaha lagu jimicsado, iskuulada qoob ka ciyaarka iyo shirkada guryaha gada
Halkan riix si aad u ogaato inaad talaalka COVID-19 xaq u leedahay.
24 saacadood oo u danbeeyay ee Australia
- Koofur bari Queensland oo sii qafiifinaysa xanibaadaha COVID-19 laga bilaabo maanta 4 galabnimo.
- Gudiga Talo Bixinta Talaalka ee Australia ayaa ansixiyay in talaalka PFizer lagu talaalo caruurta da'doodu u dhaxayso 12 ilaa 15.
Karantiilka, Socdaalka, goobaha baadhitaanka iyo lacagta dhibaatada safmareenka
Karantiilidda iyo baadhidda caabuqaba waxaa maamula oo muquuniya dowlad-goboleedyada:
NSW Safarka & gaadiidka iyo Karantiilka
VIC Fasaxa socdaalka, Socdaayaalayaasha debedda and Karantiilka
ACT Gaadiidka iyo Karantiilka
NT Socdaalkaravel iyo Karantiilka
QLD Socdaalka iyo Karantiilka
SA Socdaalka iyo Karantiilka
TAS Socdaalka iyo Karantiilka
WA Socdaalka iyo Karantiilka
Haddii aad rabto inaad waddanka ka dhoofto, waxaad online ku dalban kartaa fasax Halkna riix si aad uga hesho shuruudaha ku xidhan ka dhoofitaanka Ausralia. Duullimyaadyada caalamiga waxaa ka jira tallaabooyin ku meel gaadh ah oo dowladdu si isdabo-joog ah dib ugu qiimayso, waxaana macluumkooda ugu dambeeya lagu daabacaa website-ka Smart Traveller website.
- War iyo macluumaad ku qoran in ka badan 60 luqadood sbs.com.au/coronavirus
- Hagayaasha ku khuseeya ee gobolkaaga: NSW, Victoria, Queensland, Western Australia, South Australia, Northern Territory, ACT, Tasmania.
- Macluumaad ku saabsan Tallaalka COVID-19 LUQADDAADA.
Booqo NSW Multicultural Health Communication Service's translated:COVID-19 Vaccination Glossary
Xasuusiyaha ballamaha .
Goobaha tallaalka ee gobol walba:NSW Victoria Queensland South Australia ACT Western Australia TasmaniaNorthern Territory
Macluumaadka lacagta lagu bixiyo dhibaatada safmareenka ee gobolkaaga:NSW Victoria Queensland South Australia ACT Western Australia Tasmania
Northern Territory
