COVID-19 update: NSW oo ku dhawaaqday tijaabada app cadaynaya in qofku tallaalan yahay

Chappel Street in Melbourne, Wednesday, September 22, 2021

Chapel Street in Melbourne, Wednesday, September 22, 2021. An earthquake has been reported in Victoria and tremors were as far away as Canberra and Sydney. Source: AAP/James Ross

alc covid mental health
Source: ALC
  • Dadka deggan magaalada Oberon ee Galbeedka NSW oo lagu booriyay inay iska baaraan Covid_19.
  • Gobolada Victoria ee ka baxsan Melbourne, xanibaadihii saarnaa Ballarat oo la qaadayo.
  • ACT oo ku dhow inay gaarto yoolkii tallaalka.
  • Goobo dheeraad ah oo laga balansana karo tallaal oo laga furay Queensland.

New South Wales

NSW ayaa laga diiwaan galiyay 1,035 kaysas cusub oo COVID-19 iyadoo 5 qof ay u geeriyoodeen xanuunka.

Laga bilaabo 6 October, NSW waxaa laga tijaabinayaa app cadaynaya in qofku tallaalan yahay. App-kan ayaa waxaa lagu tijaabinayaa dhowr boqol oo qof oo deggan gobolada NSW ka hor inta aan gobolka oo dhan la gaarsiin markii la gaaro yoolka ah in 70% shacabka gobolka la tallaalo.

Haraadiga caabuqa ayaa sidoo kale laga helay bulaacadaha magaalada Oberon ee galbeedka NSW.

Riix si aad u balansato tallaal Maanta.

Victoria

Victoria waxaa laga helay 628 kays oo COVID-19 ah oo gobolka gudihiisa la isku qaadsiiyay, oo 57% laga helay dadka ku nool xaafadaha Woqooyiga Melbourne. Sadex qof ayaa u geeriyooday xanuunka.

Victoria ayaa sidoo kale ku dhawaaqday sanduuq lacageed oo gaaraya $190 milyan oo 51 kun oo qalabka hawada lagu nadiifiyo lagu galinayo iskuulada dawlada, kuwa kaatooliga iyo kuwa madaxa banaan ee Victoria si loo yareeyo qatarta in caabuqu ku faafo iskuulada. Waa noocii ugu horeeyay Australia sidoo kalana ah maalgalintii ugu badnayd ee la galiyo nidaamka hawo nadiifinta iskuulada.

Magaalada Ballaratna, xanibaadihii ayaa laga qaadayaa caawa laakiin qaar ayaa wali sii jiraya oo ay ka mid yihiin in dadku wali ku qasban yihiin inay gudaha iyo dibada ku xirnaadaan afdaboolka (mask).

Halkan ka fiirso xarumaha tallaalka ee kugu dhow.

Australian Capital Territory

A-C-T na waxaa laga diiwaan galiyay 17 kaysas cusub oo gobolka la isku qaadsiiyay, oo ugu yaraan 11 ka mid ah ay bulshada ku dhex jireen iyagoo xanuunka qaba.

ACT ayaa sidoo kale ku dhow inay dhaafto 95% tallaalka koowaad iyadoo hadda maraysa 81%  shacabka 16 sano ka wayn ay qaateen hal tallaal halka 56% ay labada tallaalba qaateen.

Halkan riix si aad u balansato tallaalka COVID-19.

Last 24 hours around Australia

  • Queenslandna, waxay boosas tallaal ka banaan yihiin Boondall, Caboolture, Doomben, iyo Kippa-Ring laga bilaabo 22 Sebtember. 
alc covid mental health
Source: ALC

Karantiilka, Socdaalka, goobaha baadhitaanka iyo lacagta dhibaatada safmareenka

Karantiilidda iyo baadhidda caabuqaba waxaa maamula oo muquuniya dowlad-goboleedyada:


TAS  Socdaalka iyo Karantiilka
 

Haddii aad rabto inaad waddanka ka dhoofto, waxaad online ku dalban kartaa fasax Halkna riix si aad uga hesho shuruudaha ku xidhan ka dhoofitaanka Ausralia. Duullimyaadyada caalamiga waxaa ka jira tallaabooyin ku meel gaadh ah oo dowladdu si isdabo-joog ah dib ugu qiimayso, waxaana macluumkooda ugu dambeeya lagu daabacaa website-ka  Smart Traveller website.

 





 

Share

Published

By SBS/ALC Content
Source: SBS

Share this with family and friends


Follow SBS Somali

Download our apps
SBS Audio
SBS On Demand

Listen to our podcasts
Independent news and stories connecting you to life in Australia and Somali-speaking Australians.
Ease into the English language and Australian culture. We make learning English convenient, fun and practical.
Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS
Somali News

Somali News

Watch in onDemand
COVID-19 update: NSW oo ku dhawaaqday tijaabada app cadaynaya in qofku tallaalan yahay | SBS Somali