- Madaxa caafimaadka NSW Dr Kerry Chant oo ku dhawaaqday 'Xaalad Qaran oo Deg-Deg ah"
- Birimiyeeradda Berejicklian oo codsatay Pfizer dheeraad ah uu codsatay Southern Westren iyo Sydney Western
- Birimiyeerka Victoria, Daniel Andrews, oo aan saadaalin karin dhammaadka xayiraadda inkastoo tirada keysaska cusubi yaraatay
- Tallaalka COVID-19 ee Pfizer oo ansixiyey carruurta da'doodu uu dhexeysa 12-jir illaa 15-jir
New Sout Wales
New South Wales ayaa diiwaan gelisay 136 keys oo cusub oo 53 ka mid ahi, bulshadad ku dhex jireen iyagoo caabuqa qaba. Waxaa kale oo la xaqiijiey hal dhimasho.
Dadka deggan deegaannada dowlad-hoosaadyada Cumberland iyo balcktown looma oggola inay guriga ka baxaa oo shaqo aadaan, haddii aanay ka shaqaynin caafimaadka iyo xaaladaha deg-degga ah, ama aanay ku jirin taxanaha awoodda loo siiyey.
Victoria
Victoria waxay diiwaan gelisey 14 keys oo cusub oo COVID-19 ah oo 4 ka mid ahi bulshada ku dhex jireen iyagoo caabuqa qaba. Wadarta gobolka ee caabuqa qabtaa waa 158.
Xilligan waxaa Victoria iskaa-isu-xayir ku jira in ka badan 19,000 oo ah dadka primary contact-ga ah.
Halkan ka fiirso goobaha kaysaska laga helay oo taxane ah ama maab ka muuqda. Xayiraadda hadda taagan waxay socon doontaa illaa 11:59 pm Talaada 27 July.
24kii saacadood ugu dambeeyey Australia
- South Australia waxay diiwaan gelisay 19 keys oo cusub oo COVID-19 ah. Madaxda caafimaadkuna gacanta ku hayaan in ka badan 23,500 ah najiitooyinkii baadhitaanka.
- Qof ah shaqaalaha adeegga ee raaca diyaaradaha oo Qantas u shaqeeya ayaa laga helay COVID-19, ka dib markii uu raacay 6 duullimaad oo Australia gudeheeda ah.
- Dadka ka da' yar 40-jir, ayaa weli tallaalka Pfizer sugi doona illaa September ama October, iyadoo hay'adda maamulka iyo ansixinta daawooyinka ee Australia, TGA, ayaa tallaalka Pfizer-ka u ansixisay carruurta da'doodu u dhexayso 12-jir illaa 15-jir.
Ciidda 'Ciidul Adxa' ayaa maanta dhammaanaysa. Waa muhiim inaad adiga iyo dadka kaleba ammaan geliso. Marka salaadda ciidda la tukanayo. Waxaad samayn kartaa inaad:- Guriga ku tukato
- Joojiso isu-imaatinka dad badan
- Xidhato face-mask
- Isticmaasho sijaayad/salli adiga kuu gaar ah
Karantiil, socdaalka, goobaha baadhidda, iyo lacagta dhibaatada safmareenka
NSW Socdaalka & Gaadiidka iyo Karantiilka
VIC Fasaxa socdaalka, Dhoofayaasha iyo Karantiilka
ACT Gaadiidka iyo Karantiilka
NT Socdaalaka iyo Karantiilka
QLD Socdaalakaiyo Karantiilka
SA Socdaalakaiyo Karantiilka
TAS Socdaalakaiyo Karantiilka
WA Socdaalakaiyo Karantiilka
Haddii aad rabto inaad waddanka ka dhoofto, waxaad dalban kartaa oggolaansho. Halkan riix si aad macluumaad uga hesho shuruudaha ku xidhan ka dhoofidda Australia. Waxaa jira xogo iyo shuruudo ku-meel-gaadh ah oo ku xidhan duullimaadyada caalamiga ah oo si is-dabo-joog ah dowladdu hadba dib ugu qiimayso, xogtaasoo laga helo website-ka Smart Traveller
War iyo macluumaad ku qoran in ka badan 60 luqadood sbs.com.au/coronavirus- Hagayaasha ku khuseeya ee gobolkaaga: NSW, Victoria, Queensland, Western Australia, South Australia, Northern Territory, ACT, Tasmania.
- Macluumaad ku saabsan Tallaalka COVID-19 LUQADDAADA.
Booqo NSW Multicultural Health Communication Service's translated:
COVID-19 Vaccination Glossary
Xasuusiyaha ballamaha .
Goobaha tallaalka ee gobol walba:
NSW
Victoria
Queensland
South Australia
ACT
Western Australia
Tasmania
Northern Territory
Macluumaadka lacagta lagu bixiyo dhibaatada safmareenka ee gobolkaaga:
NSW
Victoria
Queensland
South Australia
ACT
Western Australia
Tasmania
Northern Territory