- NSW, saddex-dalool carruurta da’doodu tahayl 12 – 15 ayaa qaatay duritaankii koowaad
- Victoria oo shaacisay tallaallo Moderna ah oo dheeraad ah
- Exposure sites-ka ACT oo sii kordhay
- Boqolkiiba konton dadka Australia ee shuruudaha buuxiyey oo is tallaalay
New South Wales
- NSW ayaa laga diiwaan geliyey 1,043 keys oo cusub iyo 11 dhimasho ah.
- NSW bilaabaysa barnaamij tijaabo ah oo lagusoo celinayo illaa 500 oo ardayda caalamiga ah, kuwaas oo isku tallaalay Pfizer, Moderna ama AstraZeneca.
- Calaamado COVID-19 ayaa laga helay tijaabo laga qaaday bullaacadaha Lightning Ridge oo ku taalla western NSW, Jindabyne oo ku taalla southern NSW, Crookwell oo ku taalla the Southern Tablelands, iyo South Lismore oo kuu taalla northern NSW.
Victoria
Victoria ayaa laga diiwaan geliyey 733 keys oo cusub, kuwaasoo boqolkiiba 84 da’doodu ka yarayd 50. Hal qof baa dhintay.
Wasiirka caafimaadkaa Martin Foley ayaa sheegay in, in ka badan 700 oo farmashi oo gobolka ku kala yaalla heli doonaan in ka badan 300,000 oo tallaalka Moderna ah toddobaadyada soo socda. Sidoo kale, illaa 32,000 tallaalka Moderna oo dheeraad ah ayaa loo qoondaynayaa goobaha tallaalka ee guurguura, kuwaasoo ay heli doonaanaan qof kasta oo da’diisu uu dhexayso 12-59 sannadood
Australian Capital Territory
Gobolka ACT waxaa laga diiwaan geliyey 19 keys oo cusub.
Kalkaaliso/kalkaaliye caafimaad oo ka tirsan Calvary Haydon Retirement Community oo ku taalla waqooyiga Camberra ayaa laga helay COVID-19. Gobolka ACT ayaa waxaa hadda ka jira 450 ah goobaha halista COVID-19 ku badan tahay.
Riix halkan si aad uu samaysato ballanta tallaalka COVID-19.
24 saacadoo ee ugu dambeeyey Australia

Source: SBS
- Tijaabada karantiil-guriga Tasmania ayaa maanta u bilaabmaysa socdaalayaasha sharciga dhowra, sida in COVID-19 laga waayey, isla markaana ay gaadiid khaas ah ka raacaan Airport-ka si aanay u raacin gaadiidka dadweynaha
Karantiilka, Socdaalka, goobaha baadhitaanka iyo lacagta dhibaatada safmareenka
Karantiilidda iyo baadhidda caabuqaba waxaa maamula oo muquuniya dowlad-goboleedyada:
Haddii aad rabto inaad waddanka ka dhoofto, waxaad online ku dalban kartaa fasax Halkna riix si aad uga hesho shuruudaha ku xidhan ka dhoofitaanka Ausralia. Duullimyaadyada caalamiga waxaa ka jira tallaabooyin ku meel gaadh ah oo dowladdu si isdabo-joog ah dib ugu qiimayso, waxaana macluumkooda ugu dambeeya lagu daabacaa website-ka Smart Traveller website.
- War iyo macluumaad ku qoran in ka badan 60 luqadood sbs.com.au/coronavirus
- Hagayaasha ku khuseeya ee gobolkaaga: NSW, Victoria, Queensland, Western Australia, South Australia, Northern Territory, ACT, Tasmania.
- Macluumaad ku saabsan Tallaalka COVID-19 LUQADDAADA.
Booqo NSW Multicultural Health Communication Service's translated:
Goobaha tallaalka ee gobol walba:
Macluumaadka lacagta lagu bixiyo dhibaatada safmareenka ee gobolkaaga: