- NSW, 47.5% dadka ka wayn 16 sano oo qaatay labada tallaal
- Shepparton oo xanibaadaha laga qaadayo caawa habeen barkii
- ACT oo gaartay yoolkii 70% tallaalka koowaad
- Queensland oo aan laga helin wax kays COVID-19 ah
New South Wales
NSW ayaa laga helay 1,259 kaysas cusub oo COVID-19, 12 qofna u dhinteen.
Premierad Gladys Berejiklian ayaa sheegtay in gobolku gaaray 80% yoolkii tallaalka koowaad kuna boorisay dadka deggan Galbeedka Sydney inaysan is dhigan.
Laga bilaabo caawana, bandowga saaran ayaa laga qaadayaa 12 gole deegaan ee xanuunku ku badnaa.
Qorshaha dawlada gobolka ayaa ah in dadka labada tallaal qaatay laga siidaayo xanibaadaha marka 70% shacabku qaataan labada tallaal.
Riix halkan si aad u balansato tallaal maanta.
Victoria
Victoria ayaa laga diiwaan galiyay 432 kays oo COVID-19 ah iyadoo labo qofna u geeriyoodeen xanuunka.
Magaalada Ballarat ayaa galaysa xanibaad cusub laga bilaabo caawa habeen barkii iyadoo dadka deggan halkaas ay galayaan awaamiir la mid ah kuwa Melbourne mudo 7 maalmood ah-marka laga reebo bandowga habeenkii. Xanibaadaha Shepparton ayaa la qaadayaa laga bilaabo caawa habeen barkii kadib markii aan sadex maalmood aan laga helin wax kaysas Covid ah.
Inta badan tareemada u safta qaybaha kala duwan ee gobolka ayaan shaqaynayn kadib markii mid ka mid ah shaqaalaha laga helay COVID-19. Basas ayaa badalaya inta badan tareemada V/Line maanta.
Ka fiirso xarumaha tallaalka ee kuu dhow.
Australian Capital Territory
ACT ayaa laga helay 13 kays oo cusub oo ugu yaraan 8 ka mid ah ay bulshada ku dhex jireen iyaga oo xanuunka qaba.
Wasiirka koowaad ee ACT Andrew Barr ayaa sheegay in 75% dadka da'doodu ka wayn tahay 12 sano ay qaateen tallaalka koowaad.
Riix halkan si aad u balansato tallaalka COVID-19.
24 saacadood ee u danbeeyay Australia oo dhan
- Iyadoo la raacayo qorshaha heerka sadexaad ee COVID-19 NT, ayaa tallaalka qasab looga dhigayaa shaqaalaha ka shaqeeyaa meelaha qatarta badan.
Karantiilka, Socdaalka, goobaha baadhitaanka iyo lacagta dhibaatada safmareenka
Karantiilidda iyo baadhidda caabuqaba waxaa maamula oo muquuniya dowlad-goboleedyada:
NSW Safarka & gaadiidka iyo Karantiilka
VIC Fasaxa socdaalka, Socdaayaalayaasha debedda and Karantiilka
ACT Gaadiidka iyo Karantiilka
NT Socdaalkaravel iyo Karantiilka
QLD Socdaalka iyo Karantiilka
SA Socdaalka iyo Karantiilka
TAS Socdaalka iyo Karantiilka
WA Socdaalka iyo Karantiilka
Haddii aad rabto inaad waddanka ka dhoofto, waxaad online ku dalban kartaa fasax Halkna riix si aad uga hesho shuruudaha ku xidhan ka dhoofitaanka Ausralia. Duullimyaadyada caalamiga waxaa ka jira tallaabooyin ku meel gaadh ah oo dowladdu si isdabo-joog ah dib ugu qiimayso, waxaana macluumkooda ugu dambeeya lagu daabacaa website-ka Smart Traveller website.
- War iyo macluumaad ku qoran in ka badan 60 luqadood sbs.com.au/coronavirus
- Hagayaasha ku khuseeya ee gobolkaaga: NSW, Victoria, Queensland, Western Australia, South Australia, Northern Territory, ACT, Tasmania.
- Macluumaad ku saabsan Tallaalka COVID-19 LUQADDAADA.
Booqo NSW Multicultural Health Communication Service's translated:COVID-19 Vaccination Glossary
Xasuusiyaha ballamaha .
Goobaha tallaalka ee gobol walba:NSW Victoria Queensland South Australia ACT Western Australia TasmaniaNorthern Territory
Macluumaadka lacagta lagu bixiyo dhibaatada safmareenka ee gobolkaaga:NSW Victoria Queensland South Australia ACT Western Australia Tasmania
Northern Territory
