COVID-19 update: Premierada NSW oo ku boorinaysa in dadku yareeyaan guryaha ay isku booqonayaan

Wararkii u danbeeyay ee coronavirus-ka Australia 30 July 2021.

People cross an empty street in The Rocks, Sydney, Thursday, July 8, 2021. NSW has recorded 38 new locally acquired COVID-19 cases overnight, the highest daily number of new cases in 14 months. (AAP Image/Bianca De Marchi) NO ARCHIVING

People cross an empty street in The Rocks, Sydney. Source: AAP Image/Bianca De Marchi

  • Ciidanka Xooga oo ku biiraya booliska NSW si loo fuliyo awaamiirta caafimaad.
  • Maamulayaasha Victoria oo helay meesha uu la xariiro kays la aqoon waayay halka uu ka yimid.
  • Iskuul ku yaal Brisbane oo xoog loo nadiifinayo kadib markii arday laga helay COVID-19.
  • Tasmania waxay dib u furtay xadka ay leedahay Victoria.

New South Wales

NSW ayaa diiwaan galisay 170 kays oo COVID-19 ah oo bulshada gudeheeda la isku qaadsiiyay iyadoo ugu yaraan 42 ka mid ah iyagoo xanuunka qaba bulshada ku dhex jireen.

Premierada NSW Gladys Berejiklian ayaa ku boorinaysa shacabka inay yareeyaan kulamada ay la yeelanayaan dad degan guryo kale iyadoo caabuqu uu aad ugu faafayo guryaha iyo goobaha shaqada.

Taliyaha Booliska NSW Mick Fuller ayaa uga digay in dadku ka qayb galaan dibad baxyo looga soo horjeedo xanibaadaha oo la qabanayo dhamaadka todobaadka isagoo sheegay in dibad baxayaasha ay ka hortagi doonaan kumanaan boolis ah.

Sidoo kale 300 oo askari ayaa howl galaya Isniinta si loo hubiyo in dadku ay guryohooda joogaan oo aysan u tagin qoysaskooda kale inta lagu jiro xanibaadaha.

Victoria

Gobolka ayaa laga diiwaan galiyay sadex kays oo cusub oo dhamaantood lala xariirinayo kaysa la yaqaan oo karantiilnaa inta ay xanuunka qabeen.

Wasiirka caafimaadka Victoria Martin Foley ayaa sheegay in baaritaanka lagu asalka kayskan uu muujinayo inuu xariir la leeyhay kaysas la yaqaan laakiin aan wali la ogayn sida qofku ku qaaday.

Halkan ka aqriso qorshayaashii u danbeeyay ee looga badbaadayo COVID-19. 

24kii saacadood ugu dambeeyey Australia
  • Maamulayaasha caafimaadka Queensland ayaa aaminsan in arday reer Brisbane ah oo laga helay COVID-19 uu isagoo qaba xanuunka ku dhex jiray bulshada sadex maalmood laga soo bilaabo 27 July.
  • Tasmania waxay dib u furaysaa xadka ay la leedahay Victoria laga bilaabo maanta kadib markii ay labo todobaad xirnayd.

Karantiil, socdaalka, goobaha baadhidda, iyo lacagta dhibaatada safmareenka

Howlaha karantiilada iyo baaritaanka coronavirus waa maareeya oo fuliya dawladaha gobolada.

NSW Socdaalka & Gaadiidka iyo Karantiilka

VIC Fasaxa socdaalkaDhoofayaasha iyo Karantiilka

ACT Gaadiidka iyo Karantiilka

NT Socdaalaka iyo Karantiilka

QLD Socdaalakaiyo Karantiilka

SA Socdaalakaiyo Karantiilka

TAS Socdaalakaiyo Karantiilka

WA Socdaalakaiyo Karantiilka

Haddii aad rabto inaad waddanka ka dhoofto, waxaad dalban kartaa oggolaansho. Halkan riix si aad macluumaad uga hesho shuruudaha ku xidhan ka dhoofidda Australia. Waxaa jira xogo iyo shuruudo ku-meel-gaadh ah oo ku xidhan duullimaadyada caalamiga ah oo si is-dabo-joog ah dowladdu hadba dib ugu qiimayso, xogtaas oo laga helo website-ka Smart Traveller


 War iyo macluumaad ku qoran in ka badan 60 luqadood sbs.com.au/coronavirus


Booqo NSW Multicultural Health Communication Service's translated:

COVID-19 Vaccination Glossary
Xasuusiyaha ballamaha .


Goobaha tallaalka ee gobol walba:

NSW 

Victoria 

Queensland 

South Australia 

ACT 

Western Australia 

Tasmania

Northern Territory 


Macluumaadka lacagta lagu bixiyo dhibaatada safmareenka ee gobolkaaga:

NSW 

Victoria 

Queensland 

South Australia 

ACT 

Western Australia 

Tasmania
Northern Territory

 


Share

3 min read

Published

By SBS/ALC Content

Source: SBS




Share this with family and friends


Follow SBS Somali

Download our apps

Listen to our podcasts

Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS

Somali News

Watch now