COVID-19 update: NSW oo kaysaskii ugu badnaa laga helay

Wararkii u danbeeyay ee Coronavirus-ka Australia 25 Agoosto 2021

 Bondi Beach in Sydney, Wednesday, August 25, 2021.

Members of the public exercise at Bondi Beach in Sydney, Wednesday, August 25, 2021. Source: AAP Image/Bianca De March

  • Kaysaska NSW oo mar kale kor u kacay
  • Dhalinyarada Victoria oo noqday kuwa ugu badan ee COVID-19 saameeyay
  • ACT oo balaarinaysaa howlgalka looga jawaabayo COVID-19
  • Queensland waxay hakisay barnaamujka karantiilka hoteelka

New South Wales

NSW ayaa laga diiwaan galiyay 919 kays oo COVID-19 ah oo gobolka gudihiisa la isku qaadsiiyay, oo ugu yaraan 37 ka mid ah ay bulshada ku dhex jireen iyagoo xanuunka qaba. Labo qof ayaa u dhintay cusurka.

Xaafadaha Guildford, Auburn, Merrylands, Greystanes, Granville, Punchbowl, Yagoona iyo Blacktown ayaa wali ah xaafadaha COVID ku badan yahay oo walaaca laga qabo. Dhanka kalana haraadiga COVID-19 ayaa laga helay biyaha bulaacadaha ee xaafadaha Bateau Bay, Toukley iyo Merimbula.  

Sarkaalada Caafimaadka NSW ugu saraysa Kerry Chant ayaa sheegtay in hadda 113 qof ay ku jiraan qaybta xaalada degdega ah ee cisbitaalada, 99 ka mid ahna ay yihiin dad aan talaalnayn.

Maanta samayso balantaad isku talaasho..

Victoria

Victoria waxaa laga diiwaan galiyay 45 kays oo cusub oo gobolka gudihiisa la isku qaadsiiyay oo 28 ka mid ah ay bulshada ku dhex jireen iyagoo xanuunka qaba.

Wasiirka Caafimaadka Victoria Martin Foley ayaa sheegay in 538 qof ee qaba xanuunka ay in ka badan kala bar yihiin dad da'doodu ka yar tahay 30 sano oo ay ku jiraan 114 caruur ah oo da'doodu ka yar tahay sagaal sano.

Dhalinta da'doodu u dhaxayso 16 ilaa 17 sano ayaa hadda heli kara talaalka PFizer, halka kuwa u dhexeeya 18 ilaa 39 ay heli karaan PFizer ama AstraZeneca halka dadka ka wayn 60 sano loo ogol yahay oo kaliya AstraZeneca.

Halkan ka fiiri xarumaha talaalka ee kuu dhaw.

Australian Capital Territory

ACT ayaa diiwaan galisay 9 kays oo cusub oo gobolka gudihiisa la isku qaadsiiyay, taasoo tirada ee dadka xanuunku ku dhacay gaarsiinaysa 176 qof.

Wasiirada Caafimaadka ACT Rachel Stephen-Smith ayaa sheegtay in kalkaaliyayaasha caafimaadka iyo kuwa wali baranaya iyo waliba ardayda umulinimada baranaya loo tababrayo inay talaali karaan dadka maadaama la filayo in tirada talaalku bato.

Halkan riix si aad u ogaato inaad xaq u leedahay talaalka COVID-19.

24 saacadood ee u danbeeyay Australia
  • Queensland ayaa hakinaysa dadka ka soo galaya gobolada New South Wales, Victoria iyo ACT ilaa Arbacada bisha Sebtember tahay 8 kadib markii cadaadis badan fuulay nidaamka karantiilka hoteelada.

Karantiilka, Socdaalka, goobaha baadhitaanka iyo lacagta dhibaatada safmareenka

Karantiilidda iyo baadhidda caabuqaba waxaa maamula oo muquuniya dowlad-goboleedyada:

NSW Safarka & gaadiidka iyo Karantiilka

VIC  Fasaxa socdaalkaSocdaayaalayaasha debedda and Karantiilka

ACT Gaadiidka iyo Karantiilka

NT  Socdaalkaravel iyo Karantiilka

QLD Socdaalka iyo Karantiilka

SA  Socdaalka  iyo Karantiilka

TAS  Socdaalka iyo Karantiilka

WA  Socdaalka iyo Karantiilka

 

Haddii aad rabto inaad waddanka ka dhoofto, waxaad online ku dalban kartaa fasax Halkna riix si aad uga hesho shuruudaha ku xidhan ka dhoofitaanka Ausralia. Duullimyaadyada caalamiga waxaa ka jira tallaabooyin ku meel gaadh ah oo dowladdu si isdabo-joog ah dib ugu qiimayso, waxaana macluumkooda ugu dambeeya lagu daabacaa website-ka  Smart Traveller website.

 


 


Share

3 min read

Published




Share this with family and friends


Follow SBS Somali

Download our apps

Listen to our podcasts

Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS

Somali News

Watch now