COVID-19 Update: NSW oo qaadday xannibaaddi hoteellada iyo xayiraad-gurigii, Victoria oo khafiifisay xayirka xuduudda NSW

NSW ayaa xannibaadaha laga qaadayaa dadka tallaalkoodu buuxsamey laga bilaabo maalinka Isniinta. Victoria-na. shaqaalaha 'authorised worrkers' ayaan, laga bilaabo manta, loo oggaylayn inay tagaan goobaha shaqadooda illaa ay ugu yaraan hal tallaal qaateen ama ballani u taallo

From Tuesday, Victoria will scrap quarantine requirements for the fully vaccinated in NSW.

From Tuesday, Victoria will scrap quarantine requirements for the fully vaccinated in NSW. Source: AAP

  • NSW oo qaaddaysa xannibaaddii dadka soo laabanaya ee sii buuxda u tallaalan 1da November
  • Vicotiria oo qaadday amarkii karantiilka ee dadka NSW kasoo laabanaya\
  • U socdaan gobollo hoosaadka NSW oo dib loo dhigay

 

New South Wales

 

New South Wales ayaa laga diiwaangelisay 399 kiis oo ah coronavirus iyo saddex dhimasho ah.

Premier, Dominic Perrottet, ayaa xaqiijiyay in qaar ka mid ah xannibaadaha la fududeyn doono Isniinta ka dib mark gobolku gaadho boqolkiiba 80 tallaal buuxa.

Wuxuu sheegay in tallaalka oo heerkiisu sarreeyo awgii, 1da November la joojin doona karantiilka soo laabtayaasha caalamiga ah, iyo karantiil-gurigaba..     Tijaabinta PCR -ka ayaa loo baahan doonaa ka hor inta dadka socotada ah aysan raacin duullimaadyadooda, dadka waddanka kusoo laabanayana waa la baadhi doona markay yimaaddaan..

 

Tallaalada ay dadka soo laabanayaa ku tallaalan yihiin, waa inay ahaadaan kuwa ay TGA aqoonsatay, waxaana mudnaanta hore la siin doona dadka muwaadiniinta ah ee soo laabanaya.

 

Laga bilaabo Isniinta, guryaha waxaa isuguu imaan kara illaa 20 qof, halka goobaha debedda ahna ay isugu imaan karaan illaa 50 qof.

 

Socdaalka gobollo-hoosaadka NSW ayaa dib loo dhigay illaa 1da November.

 

 Halkan ka fiiri goobta tallaalka ee kuugu dhow.

 

Victoria

Laga bilaabo Talaadada soo socodta, Victoria waxay joojin doontaa karantiilka dadka tallaalkoodu buuxo ee NSW kasoo gelaya.

 

2,179 keys oo cusub iyo lix dhimasho ayaa maana laga diiwaan geliyey Victoria. Dadka aan Gobolka Victoria soo gelaya ayaa looga baahan yahay inay 72 saacadoo ka hore imaatinkooda iska baadheen coronvirus oo laga waayey..

 

Shaqaalaha loo oggolaaday inay shaqo tagaan (authorised workers) ayaa hadda sharci lagaga dhigay inay is tallaalaan, iyadoo haddda dhammaantood looga baahan yahay inay ugu yaraan qaateen hal tallaal ama ballantii tallaalku u taallo, haddii ay rabaan ka shaqeeyaan goobta shaqada.

 

Halkan guji si aad u samaysato ballantaada tallaalka maanta

 

Australian Capital Territory 

 

Waxaa manta ACT laga diiwaan gelieye 35 keys oo cusub oo COVID-19 ah iyo hal dhimasho oo ah haweeyney 70-taneeyo jir ah ku dhumatay goob ah daryeelaka caafimaadka dadka waayeelka ah.

 

Halkan guji si aad u samaysato ballantaada tallaalka maanta

 

Around Australia over the past 24 hours 

  • Saddex qalab oo ah kuwa tijaabada degdegga ah ee coronavirusta oo qofku iskii u isticmaalao ayaa farmashiyaasha laga heli doonaa laga bilaabo 1da November
  • Australian Bureau of Statistics ayaa sheegtay in 138,000 oo tallaal oo kale la waayey bishii September xannibaadihii NSW, Victoria iyo ACT awgood

 

 

Karantiilka, Socdaalka, goobaha baadhitaanka iyo lacagta dhibaatada safmareenka

Karantiilidda iyo baadhidda caabuqaba waxaa maamula oo muquuniya dowlad-goboleedyada: 

NSW Safarka & gaadiidka iyo Karantiilka

VIC  Fasaxa socdaalkaSocdaayaalayaasha debedda and Karantiilka

ACT Gaadiidka iyo Karantiilka

NT  Socdaalkaravel iyo Karantiilka

QLD Socdaalka iyo Karantiilka

SA  Socdaalka  iyo Karantiilka

TAS  Socdaalka iyo Karantiilka

WA  Socdaalka iyo Karantiilka

 

Haddii aad rabto inaad waddanka ka dhoofto, waxaad online ku dalban kartaa fasax Halkna riix si aad uga hesho shuruudaha ku xidhan ka dhoofitaanka Ausralia. Duullimyaadyada caalamiga waxaa ka jira tallaabooyin ku meel gaadh ah oo dowladdu si isdabo-joog ah dib ugu qiimayso, waxaana macluumkooda ugu dambeeya lagu daabacaa website-ka  Smart Traveller website.

 


 


Booqo NSW Multicultural Health Communication Service's translated:

COVID-19 Vaccination Glossary
Xasuusiyaha ballamaha .


 Goobaha tallaalka ee gobol walba:

NSW

Victoria
Queensland

South Australia

ACT
Western Australia

Tasmania
Northern Territory  

Macluumaadka lacagta lagu bixiyo dhibaatada safmareenka ee gobolkaaga: 

NSW 

Victoria 

Queensland 

South Australia 

ACT 

Western Australia 

Tasmania
Northern Territory

 

 

 

 

 

 

 

 


Share

4 min read

Published

By SBS/ALC Content

Presented by Abdinur Ismail

Source: SBS




Share this with family and friends


Follow SBS Somali

Download our apps

Listen to our podcasts

Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS

Somali News

Watch now