COVID-19 update: NSW oo isha ku haysa safarada caalamiga ah iyo xanibaadaha Victoria oo la qafiifinayo

Wararkii u danbeeyay ee Coronavirus Australia 1 Sebtember 2021

A pharmacy worker receives a temperature sensitive box with Pfizer vaccines at the Sandown Racecourse Vaccination Centre in Melbourne, Tuesday, August 31, 2021.

A pharmacy worker receives a temperature sensitive box with Pfizer vaccines at the Sandown Racecourse Vaccination Centre in Melbourne, Tuesday, August 31, 2021. Source: AAP Image/Daniel Pockett

  • Haraadiga COVID-19 ayaa laga helay qaybo badan oo NSW ah oo aan lagu ogayn dad qaba caabuqa.
  • Victoria-na 70 kun oo fursado lagu balansan karo tallaalka AstraZeneca ayaa ku diyaar ah rugaha caafimaadka gobolka.
  • Balansashada tallaalka PFizer oo loo furay dadka da'doodu u dhaxayso 16-29 ee ACT.

New South Wales
NSW ayaa laga diiwaan galiyay 1,116 kays oo COVID-19 oo gobolka gudihiisa la isku qaadsiiyay iyadoo afar qof u dhinteen.

Haraadiga COVID-19 ayaa laga helay meelaha biyaha wasaqda ah ee Thredbo, Merimbula, Port Macquarie, Dunbogan, Bonnie Hills, Warren, Molong, Tamworth iyo Gunnedah. 

Premier Gladys Berejiklian ayaa tilmaantay in safarada caalamiga ah ay dib u bilaaban karaan bisha Nofember.

Halkan riix si aad u balansato talaal maanta ama aad u ogaato sidaad u heli lahayd cadaynta talaalkaaga COVID-19.

Victoria
Victoria ayaa laga diiwaan galiyay 120 kays oo cusub oo COVID-19 ah oo gobolka gudihiisa la isku qaadsiiyay iyadoo labo qof ay xanuunka u dhinteen.

Premier Daniel Andrews ayaa ku dhawaaqay qafiifinta xanibaadaha qaar oo ay ku jiraan in 5km ee dadku aysan dhaafiri karin la kordhiyo oo la gaarssinayo 10km markii 70% shacabku ay qaataan ugu yaraan hal tallaal, taas oo la filayo in la gaaro 23 bishan Sebtember.

Shirkadaha wax dhisa ayaa loo ogolaanayaa inay 50% howshooda qabsan karaan markii ay 90% shaqaalohoodu qaataan tallaalka koowaad.

Laga bilaabo 7 Sebtember, ardayda fasalada 12 aad ayaa mudnaanta koowaad lagu siinayaa in la tallaalo. Imtixaanaadka GAT loo yaqaano ayaa la qaadi doonaa bisha October 5, iyadoo la sheegay in ardaydu fasalada ku noqdaan teeramka sadexaad aysan suurogal ahayn.

Laga bilaabo habeen barkii caawana waxaa dib loo furayaa goobaha caruurtu ku cayaaraan ee playground loo yaqaan.

Halkan ka fiirso xarumaha tallaalka ee kuu dhow.

Australian Capital Territory
ACT waxaa laga helay 23 kays oo COVID-19 ah oo ugu yaraan 12 ka mid ah ay yihiin dad iyagoo caabuqa qaba bulshada ku dhex jiray.

Dad reer Canbera ee da'doodu u dhaxayso 16 ilaa 29 ayaa hadda ka balansan kara tallaalka PFizer goobaha dawlada tallaalka ee ACT ama dhaqtarkooda xaafada. Balamaha goobaha dawlada ayaa buuxa ilaa dabayaaqada October.

Halkan ka fiirso sida aad u balansan lahayd talaalkaaga.
alc covid mental health
Source: ALC

Karantiilka, Socdaalka, goobaha baadhitaanka iyo lacagta dhibaatada safmareenka

Karantiilidda iyo baadhidda caabuqaba waxaa maamula oo muquuniya dowlad-goboleedyada:


TAS  Socdaalka iyo Karantiilka
 

Haddii aad rabto inaad waddanka ka dhoofto, waxaad online ku dalban kartaa fasax Halkna riix si aad uga hesho shuruudaha ku xidhan ka dhoofitaanka Ausralia. Duullimyaadyada caalamiga waxaa ka jira tallaabooyin ku meel gaadh ah oo dowladdu si isdabo-joog ah dib ugu qiimayso, waxaana macluumkooda ugu dambeeya lagu daabacaa website-ka  Smart Traveller website.

 





 
 

Share

Published

By SBS/ALC Content
Source: SBS

Share this with family and friends


Follow SBS Somali

Download our apps
SBS Audio
SBS On Demand

Listen to our podcasts
Independent news and stories connecting you to life in Australia and Somali-speaking Australians.
Ease into the English language and Australian culture. We make learning English convenient, fun and practical.
Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS
Somali News

Somali News

Watch in onDemand
COVID-19 update: NSW oo isha ku haysa safarada caalamiga ah iyo xanibaadaha Victoria oo la qafiifinayo | SBS Somali