- Haraadiga COVID-19 oo laga helay gobolada NSW oo lagu ogayn kaysasdetected in areas of regional NSW with no recent cases
- Tareemada V/Line oo u safra magaalooyinka Victoria ayaa hakad galay.
- ACT oo laga balansan tallaalo dheeraad ah
- Queensland oo laga diiwaan galiyay kays cusub oo COVID-19.
New South Wales
NSW ayaa diiwaan galisay 1,542 kaysas cusub oo COVID-19 ah iyadoo sagaal qof u dhinteen caabuqa.
Laga bilaabo Isniinta13 Sebtember, illaa 5 qof oo labada tallaal qaatay deggana 12 gole deegaan ee xanuunku ku badnaa (LGA) ayaa loo ogolaanayaa inay dibadda ku kulmaan. dadka ku nool gudaha gole deegaanadaas xanuunku ku badnaa ayaa u bixi kara oo la kulmi kara labo qof oo qaatay labada tallaal labo saacadood maalin kasta iyagoo sidoo kale u bixi kara jimicsi aan xad lahayn.
Haraaga COVID-19 ayaa sidoo kale laga helay goobaha biyaha wasaqdaa lagu hayo ee Tamworth, Lightning Ridge, Glen Innes, Culburra Beach iyo Moruya.
Laga bilaabo 13 Sebtember, Wasaarada Caafimaadka NSW ayaa dhanka internetka uga warbixindoona arimaha caabuqa, taas oo badalaysa shirkii jaraa'id ee maalin walba la qaban jiray 11 subixii.
Halkan riix si aad u balansato tallaal maanta.
Victoria
Victoria ayaa diiwaan galisay 334 kays oo cusub oo gobolka gudihiisa la isku qaadsiiyay, oo 149 ka mid ah lala xariirinayo kaysas hore loo ogaa. Hal qof ayaa caabuqa u dhintay.
Labaatan ka mid ah tareemada V/Line services ee u kala goosha Melbourne iyo magaalooyinka kale ee Victoria ayaa hakad galay kadib markii darawal waday tareen ka yimid Southern Cross Station una socday Gippsland laga helay COVID-19. Waxaa la filayaa in hakadkaan uu gaaro 100 laal kale oo tareemo.
Halkan ka xarumaha tallaalka ee kuu dhow.
Australian Capital Territory
ACT ayaa diiwaan galisay 24 kays oo COVID-19 ah oo gobolka gudihiisa la isku qaadsiiyay oo ugu yaraan 6 ka mid ah ay bulshada ku dhex jireen iyagoo xanuunka qaba.
Maamulayaasha gobolka ayaa ka codsaday dadku inay soo hor mariyaan balanadooda tallaalka ee ay samaysteen ayna booqdaan MyDHR system oo laga heli karo 30,000 oo balamood oo ay dadku samaysan karaan si ay isu tallaalaan.
Halkan riix si aad u balansato tallaal.
24 saacadood ee u danbeeyay ee Australia oo dhan.
- Queensland ayaa laga diiwaan galiyay hal kays oo cusub oo COVID-19 ah, oo ah arday yar oo dhigta iskuulka St Thomas More College oo ku yaal xaafada Suunybank ee Brisbane.
Karantiilka, Socdaalka, goobaha baadhitaanka iyo lacagta dhibaatada safmareenka
Karantiilidda iyo baadhidda caabuqaba waxaa maamula oo muquuniya dowlad-goboleedyada:
NSW Safarka & gaadiidka iyo Karantiilka
VIC Fasaxa socdaalka, Socdaayaalayaasha debedda and Karantiilka
ACT Gaadiidka iyo Karantiilka
NT Socdaalkaravel iyo Karantiilka
QLD Socdaalka iyo Karantiilka
SA Socdaalka iyo Karantiilka
TAS Socdaalka iyo Karantiilka
WA Socdaalka iyo Karantiilka
Haddii aad rabto inaad waddanka ka dhoofto, waxaad online ku dalban kartaa fasax Halkna riix si aad uga hesho shuruudaha ku xidhan ka dhoofitaanka Ausralia. Duullimyaadyada caalamiga waxaa ka jira tallaabooyin ku meel gaadh ah oo dowladdu si isdabo-joog ah dib ugu qiimayso, waxaana macluumkooda ugu dambeeya lagu daabacaa website-ka Smart Traveller website.
- War iyo macluumaad ku qoran in ka badan 60 luqadood sbs.com.au/coronavirus
- Hagayaasha ku khuseeya ee gobolkaaga: NSW, Victoria, Queensland, Western Australia, South Australia, Northern Territory, ACT, Tasmania.
- Macluumaad ku saabsan Tallaalka COVID-19 LUQADDAADA.
Booqo NSW Multicultural Health Communication Service's translated:COVID-19 Vaccination Glossary
Xasuusiyaha ballamaha .
Goobaha tallaalka ee gobol walba:NSW Victoria Queensland South Australia ACT Western Australia TasmaniaNorthern Territory
Macluumaadka lacagta lagu bixiyo dhibaatada safmareenka ee gobolkaaga:NSW Victoria Queensland South Australia ACT Western Australia Tasmania
Northern Territory
