COVID-19 update: Qaybo ka mid ah NSW oo galay xayiraaddii 1aad

Waa wargelintaadii ugu cusbayd ee Coronavirus-ta Australia - 21 July 2021 Karantiilka

NSW Premier Gladys Berejiklian arrives at a press conference to provide a COVID-19 update in Sydney, Wednesday, July 21, 2021.

NSW Premier Gladys Berejiklian arrives at a press conference to provide a COVID-19 update in Sydney, Wednesday, July 21, 2021. Source: AAP Image/Mick Tsikas

  • NSW ayaa xayiraaddii 1aad ee gobollo-hoosaadyada saartay deegaannada, Orange, Cabonne iyo Blaney.
  • Vicotoria oo diiwaan gelisay 22 kays oo cusub, oo dhammaantood la xidhiidha dib-u-qaraxan hadda.
  • Dad aad u badan oo deggan NSW iyo Victoria ayaa is tallaalaya
  • South Australia oo laga helay hal keys oo cusub, tirada guud ee dib-u-qaraxana ka dhigtay lix
    New South Wales

NSW ayaa laga diiwaan geliyey 110 keys oo cusub oo COVID-19 ah, iyadoo 43 ka mid ah ku caabuqsanaayeen bulshada dhexdeeda. Laga bilaabo maanta dadka loo shaqeeyaa haddii ay shaqaalohooda ku khasbaan inay xafiiska usoo shaqo tagaan, waxaa bartaa lagu ganaaxi doonaa $10,000.

Waxaa amarkii ugu horreeyey oo gobol-hoosaadyada lagusoo rogey, dhammmaan dadka ku nool Orange, Cabonne, iyo Blayney council, ama qofkii joogey deegaannadaas Sabtidii 17 July iyo wixii ka dambeeyey. Goobaha baadhitaankuna waa ka furan yihiin deegkaas.

Victoria waxaa laga diiwaan geliyey 22 kays oo cusub oo dhammaantood lala xidhiidhey dib-u-qaraxan hadda ah. Tirada guud ee kaysaska hadda taagani waa 118.

 

Dadka reer Victoria ee hadda jooga NSW, loooma oggola inay soo guryo-noqdaan, ka dib markii labo toddobaad la hakiyey bixinta fasaxa red zone-ka.

Ka raadso halkan goobaha kaysaska oo taxan ama maab ah. Xayiraaddan waxaa la gaadhsiin doona 11:59 pm ee Talaada, 27 July.

24 kii saacadood ee ugu dambeeyey - Australia
  • Hadda waxaa South Australia ka jira 82 goobood oo kuwa baadhidda ah iyo 52 goobood oo fayrastu gaadhey
  • Laga bilaabo burrito, qof kasta oo South Australia tegey looma oggolaan doono inuu soo galo Queensland, haddii aanu ahayn qof Queensland deggan oo soo noqonaya.
  • Wesstern Australia, ayaa iyaduna ku dhaqan gelinaysa 14 maalmood oo karantiil ah, dadka ka soo gala South Australian

Ciidda Al Adha ("Festicval of the sacrifice") waxay dhammaanaysaa jimcaha 23 July. Waa muhiim inaad difaacdo naftaaqda iyo kuwa kaleba marka la tukanayo. Waxaad doorataa inaad:

  • Ku tukato guriga
  • Joojiso isu-imaatinka ballaadhan
  • Xidhato face-mask
  • Ku tukato sijaayad/salli kuu  gaar ah.

Karantiilka, Socdaalka, goobaha baadhitaanka iyo lacagta dhibaatada safmareenka

Karantiilidda iyo baadhidda caabuqaba waxaa maamula oo muquuniya dowlad-goboleedyada:

NSW Safarka & gaadiidka iyo Karantiilka

VIC  Fasaxa socdaalka, Socdaayaalayaasha debedda and Karantiilka

ACT Gaadiidka iyo Karantiilka

NT  Socdaalkaravel iyo Karantiilka

QLD Socdaalka iyo Karantiilka

SA  Socdaalka  iyo Karantiilka

TAS  Socdaalka iyo Karantiilka

WA  Socdaalka iyo Karantiilka

 

Haddii aad rabto inaad waddanka ka dhoofto, waxaad online ku dalban kartaa fasax Halkna riix si aad uga hesho shuruudaha ku xidhan ka dhoofitaanka Ausralia. Duullimyaadyada caalamiga waxaa ka jira tallaabooyin ku meel gaadh ah oo dowladdu si isdabo-joog ah dib ugu qiimayso, waxaana macluumkooda ugu dambeeya lagu daabacaa website-ka  Smart Traveller website.

 


 


Share

3 min read

Published

By SBS/ALC Content

Source: SBS




Share this with family and friends


Follow SBS Somali

Download our apps

Listen to our podcasts

Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS

Somali News

Watch now