COVID-19 Update: Queensland ayaa shuruuddii PCR test-ga maalinka 5aad ka reebtay socdaalayaasha gobollada

Waa warbixintaadii ugu dambeeysey ee coronavirus-ta Australia - 29 December 2021

Rapid antigen tests are available in supermarkets and pharmacies across Australia

Rapid antigen tests are available in supermarkets and pharmacies across Australia. Source: AAP/Lukas Coch

  • Birimiyeer Annastacia Palaszczuk, ayaa shaacisay in ay Queensland joojin doonta baadhitaanka maalinka shanaad Janaayo 1deeda iyadoo u beddelaysa baadhitaanka Rabid Antigen Test.

  • Golaha Wasiirrada Qaranka ayaa yeelan doona shir degdeg ah maalinka Khamiista si ay uga wada hadlaan shuruudha baadhitaanka COVID-19 ee waddanka oo dhan inta lagu jiro kusoo dhowaadka dabbaaldegga sannadka cusub.

  • Tirada keysaska ee NSW ayaa ku dhowaadey laban-laab 24 saacadood gudohood - 11,201.

  • Dadweynaha reer Victoria ayaa la siin doonaa Rapid Antigen Tests bilaa lacag aha laga bilaabo Jannaanyo, iyadoo gobolka laga diiwaan geliyey tiradii ugu badnayd ee keysas cusub ah.

  • Rapid Antigen Tests-kii yaa laga dhammaystey magaalooyinka xudduudda ee Victoria, ka dib markii wax laga beddelay shuruudihii gelitaanka South Australia.

  • Hay'adda caafimaadka ee ACT ayaa awood dhimis ku samaysay dhowr goobood oo exposure sites ah iyadoo ay dabo-galka iyo agabka baadhitaankuba itaal darraadeen.

  • Maraykana, madaxda caafimaad ayaa kala-badh dhimay muddadii xannibaadda ee dadka aan calaamadaha lahayn. Shan maalmood ayaa laga dhigay shaqaale yaraan awgeed.
Tirooyinka COVID-19

New South Wales waxaa laga diiwaan geliyey 11,201 keys iyo 3 dhimasho ah, halka Victoriyana laga helay 3,767 iyo 5 dhimasho ah.

Queensland waxaa laga diiwaan geliyey 1,589 keys, South Ausrtralia-na 1,471 iyo ACT oo ah 252 keys.

Tasmania-na waxaa laga diiwaan geliyey maanta 55 keys.

Tallaabooyink xilligan laga qaadayo COVID-19 oo luqaddaada ku qoran ka hel halkan


Xannibaadaha Karantiilka ee Gobollada

Socdaalka

Halkan ka hel macluulaadka socdaalayaasha caalamiga ah iyo COVID-19 iyo macluumaadka socdaalka oo kuu qoran luqaddaada 

Kaalmo dhaqaale

Is-beddel baa lagu samaynayaa lacagta taageerada masiibada COVID-19 tallaalka buuxa ee gobolladu gaadho 70 iyo 80 boqoliiba. Halkan ka raadso sida luqaddaada kaalmo loogu helo inta uu socdoa COVID-19


 



 


Goobaha Tallaalada ee gobol kasta:

NSW 
ACT 
 


Share

Published

Presented by Abdinur Ismail

Share this with family and friends


Follow SBS Somali

Download our apps
SBS Audio
SBS On Demand

Listen to our podcasts
Independent news and stories connecting you to life in Australia and Somali-speaking Australians.
Ease into the English language and Australian culture. We make learning English convenient, fun and practical.
Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS
Somali News

Somali News

Watch in onDemand