COVID-19 Update: Bukaanka COVID-19 oo ku batay cisbitaallada NSW, iyadoo kaysaska Victoriya iyo QLD-na kordheen.

Tirooyinka keysaska COVID-19 ayaa kasii kordhay gobollada badkooda iyagoo gaadhey heerar aan hore loo arkin. Goobaha baadhitaanka COVID-19 ayaa iyaguna buux-dhaafay iyadoo qalabkii baadhidda dhakhsaha ah laga dhammastay farmashiyaasha Australia badankooda.

sydney testing aap

Health care workers collect information from members of the public as they queue in their cars for a COVID-19 PCR test at the St Vincent’s Drive-through Clinic. Source: Credit: AAP Image/Bianca De Marchi

  • Cisbitaallada New South Wales waxaa yaalla tiradii ugu badnayd ee bukaan COVID-19 qaba ah, iyadoo ay Omicron gobolka ku sii fidayso. 1,344 qof ayaa cisbitaal ugu jira COVID-19

  • Ururka macallimiinta NSW ayaa codsaday inay si degdeg ah ula shiraan madaxda Caafimaadka iyo Waxbarashada ee gobolka, si ay uga arrinsadaa ammaanka inta aan iskuullada la furin- dib-u-qaraxan sii kordhaya awgeed.

  • Laga bilaabo maanta, waxaa muddada u dhexaysa tallaalka koowaad iyo kan labaad ee COVID-19 laga dhigay afar bilood, taasoo 7.5millil oo qof oo Australiyaan ah u fasaxaysa inay qaataqan duritaankoodii saddexaad.

  • Agaasimaha Chemist Warehouse, Mario Tascone, ayaa dowladda federaalka usoo jeediyey inay cashuurta GST ka qaadaa qalabka baadhitaanka dhakhsaha ah, si loo raqiisiyo qiimaha, iyadoo weli laga doodayo ciddii bixin lahayd kharashka qalabka.

  • Madaxa ugu sarreeya caafimaadka Queensland Dr John Gerrard, ayaa sheegay ay shaybaadhka QLD sheegeen in 23 boqolkiiba baadhitaankii Isniintu ay noqdeen 'positive'

Tirooyinka COVID-19

New South Wales waxaa laga diiwaan geliyey 23,131 keys oo cusub oo COVID-19 ah iyo labo dhimasho, halka Victoria-na laga diiwaan geliyey 14,020 caabuq oo cusub iyo labo dhimasho

Queensland waxaa laga diiwaan geliyey maanta 5,699 keys oo cusub 

ACT-na waxaa laga diiwaan geliyey  926 keys oo cusub, iyo Tasmania oo laga helay 702 keys.

Tallaabooyink xilligan laga qaadayo COVID-19 oo luqaddaada ku qoran ka hel halkan


Xannibaadaha Karantiilka ee Gobollada

Socdaalka

Halkan ka hel macluulaadka socdaalayaasha caalamiga ah iyo COVID-19 iyo macluumaadka socdaalka oo kuu qoran luqaddaada 

Kaalmo dhaqaale

Is-beddel baa lagu samaynayaa lacagta taageerada masiibada COVID-19 tallaalka buuxa ee gobolladu gaadho 70 iyo 80 boqoliiba. Halkan ka raadso sida luqaddaada kaalmo loogu helo inta uu socdoa COVID-19


 



 


Goobaha Tallaalada ee gobol kasta:

NSW 
ACT 
  • In ka badan 100,000 oo qof  ayaa markii ugu horreysey muddo afar bilood ah, cisbitaallada Maraykanka ugu jira COVID1-19, taasoo laga soo xigtey waaxda Health and Human Serivices (HSS) ee Maraykanka.

Share

Published

Presented by Abdinur Ismail

Share this with family and friends


Follow SBS Somali

Download our apps
SBS Audio
SBS On Demand

Listen to our podcasts
Independent news and stories connecting you to life in Australia and Somali-speaking Australians.
Ease into the English language and Australian culture. We make learning English convenient, fun and practical.
Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS
Somali News

Somali News

Watch in onDemand