COVID-19 update: Victoria oo dib-u-dhac weyni oo ku yimid furitaankii Victoria, iyo QLD oo soo celisay xannibaadihii COVID-19

Wargelintaadii ugu cusbayd ee coronavirusta Australia: New South Wales oo iskuullada dib u furaysa, iyagoo ku bilaabaya ardayda fasalka 1aad iyo kuwa fasalka 12aad. Victori-na niyad-jab baa ku saabsan qorshaha dib-u-furida gobolka ayaa kaga yimid keyskii faro-batay ee maaanta la diiwaan geliyey.

People are seen exercising along Southbank in Melbourne, Thursday, September 30, 2021.

People are seen exercising along Southbank in Melbourne, Thursday, September 30, 2021. Source: AAP Image/Daniel Pockett

  • Victoria dhaaftay bartilmaameedkeedii talllaalka koowaad ee ahaa 80%
  • NSW oo iskuullada furaysa ha toddobaad ka hor muddadii loo qabtay
  • ACT oo laga bilaabo saqda dhexe ee caawa khafiifin doonta xannibaadah.
  • QLD oo laga diiwaan geliyey lix keys oo cusub oo bulshada la iska qaadsiiyey
Victoria

Victoria waxay diiwaangelisay 1,438 oo cusub, iyadoo in ka badan 500 lala xidhiidhiyey kullammo ka dambeeyey cayaartii koobka football-ka. Lix dhimasho ayaa iyagana la diiwaan geliyey.

Madaxa COVID-19 ee Victoria, Jeroen Weimar, ayaa ku tilmaamay keysaska korday inay yihiin dibudhac weyn ku yihiin dib-u-furitaanka gobolka.
Premier Daniel Andrews ayaa sheegay in muddada u dhexays a labada tallaal ee Pfizer-ka laga dhimi doono lixdii toddobaad ee ay hore u ahayd iyadoo laga dhigi doono saddex toddobaad, kaydka tallaalada oo kordhay awgeed. Bisha dambe ayaa bilaabmi doona is-beddelku.

Halkan ka raadi goob tallaal oo kuu dhow. 

New South Wales

NSW waxaa laga diiwaan geliyey 941 keys oo cusub oo COVID-19 ah oo bulshada la iska dhex qaadsiiyey iyo lix dhimasho ah.

Birimiyeeradda NSW, Gladdy Berejicklian ayaa sheegtay in carruurta kinder-gartenka,  ardayda fasalka 1aad iyo ka 12aad ay schoollada dib ugu laaban doonaan laga bilaabo 18 October, hal toddobaad ka hore muddadii hore loogu qabtay.

Ardayda inta hadhay oo dhammina waxay iskuullada tegi doonaan labada toddobaad ee muddadaa ka dambeeya, 25ka October iyo 1da November.

Halkan guji si aad u samaysato ballantaada tallaalka maanta. 

Australian Capital Territory

ACT waxaa laga diiwaan geliye maanta 31 keys o cusub oo COVID-19 ah oo gudaha laga helay.

Laga bilaabo, Jimcaha 1da October, saacadda 12:01 AM, ayaa xannibaadaha qaarkood la qaadi doonaa, iyadoo muddada madadaalada bannaanka la kordhin doono, seerayaasha qarankuna furmi doonaan, isla markaana ganacsatada qaarkood khafiifin dheeraad ah la siin doono iwm.

Dadka reer QLD da'doodu ka sarrayso 60 ayaa hadda heli kara nooca tallaalka Pfizer.

Last 24 hours around Australia

 

  • Deegaannad dowladaha hoose ee, Brisbane,  Gold Coast, Logan, Moreton Bay, Townsville and Palm Island ayaa bilaabi doona xannibaadaha Stage 2 laga bilaabo Khamiista 30ka September.
  • Dowladda Federaalka ayaa shaaca ka qaadday in marka heerka tallaalka buuxa laga gaadho 80%, la joojin doono gunnadii masiibada COVID-19  ee la siin jirey shaqaalaha shaqadii ka dhammaatay iyo gancsatadaba.
 

 

Karantiilka, Socdaalka, goobaha baadhitaanka iyo lacagta dhibaatada safmareenka

Karantiilidda iyo baadhidda caabuqaba waxaa maamula oo muquuniya dowlad-goboleedyada:

 

TAS  Socdaalka iyo Karantiilka
 

 

 

Haddii aad rabto inaad waddanka ka dhoofto, waxaad online ku dalban kartaa fasax Halkna riix si aad uga hesho shuruudaha ku xidhan ka dhoofitaanka Ausralia. Duullimyaadyada caalamiga waxaa ka jira tallaabooyin ku meel gaadh ah oo dowladdu si isdabo-joog ah dib ugu qiimayso, waxaana macluumkooda ugu dambeeya lagu daabacaa website-ka  Smart Traveller website.

 



 

 



 

Booqo NSW Multicultural Health Communication Service's translated:
 



 

Goobaha tallaalka ee gobol walba:

 

NSW 
ACT 
 

Macluumaadka lacagta lagu bixiyo dhibaatada safmareenka ee gobolkaaga:

 

NSW 
ACT 
 

 

Share

Published

By SBS/ALC Content
Presented by Abdinur Ismail
Source: SBS

Share this with family and friends


Follow SBS Somali

Download our apps
SBS Audio
SBS On Demand

Listen to our podcasts
Independent news and stories connecting you to life in Australia and Somali-speaking Australians.
Ease into the English language and Australian culture. We make learning English convenient, fun and practical.
Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS
Somali News

Somali News

Watch in onDemand