COVID-19 update: Dowlad-goboleedyada oo tallaalada u dejinaya yool

Waa wargelintaadii ugu cusbayd ee Coronavirus-ta Australia - 13 August 2021

Victorian Premier Daniel Andrews addresses the media during a press conference in Melbourne, Friday, August 13, 2021

Victorian Premier Daniel Andrews addresses the media during a press conference in Melbourne, Friday, August 13, 2021. Source: AAP Image/James Ross

  • Qaan-gaadhka yaryar oo ka mid noqday dadka ugu badan ee COVID-19 kuu saamaysay NSW
  • Victoria oo qorshaynaysa hal toddobaad guhihii ku tallaasho hal malyan oo qof
  • ACT oo laga helay labo qof oo cusub oo qaba COVID-19
  • QLD oo sheegtay in dadka kasoo gelaya ACT isk karantiilaan.

 

New South Wales

 

New South Wales waxaa laga helay 390 qof oo cusub oo COVID-19 qaba oo 60 ka mid ah bulshada ku dhex jireen iyagoo caabuqa qaba.

Inta badan 25ka keys ee cusub ee laga helay Dubbo iyuo Walgett waa dadka Aboriginal-ka ah oo ay carruuri ku jirto.

 

Dr Maryanne Gale oo ka tirsan caafimaadka New South Wales, ayaa sheegtay in dadka uu COVID-19 ku dhacay labadii toddobaad ee ugu dambeeyey ay ugu badnaayeen, dadka jira 20-29 sannadood, waxayna ku boorrisay qof kasta, inay u yimaaddaan tallaalka.

 

Halkan ka raadi taxanaha rugaha tallaalka.

 

Victoria

 

Victoria waxaa laga helay 15 keys oo cusub oo COVID-19 ah, iyadoo 4 ka mid aanan lala xidhiidhinin dib-u-qaraxyada coronavirust-ta ee hore loo ogaa.

 

Birimyeerka, Daniel Andrews, ayaa sheegay in  tallaalka AstraZeneca, goobaha tallaalka ee dowladda oo dhan, loogu diyaarin doono dadka ka weyn 18-jir, isagoo tilmaamay in dowladdu rabto inay hal milyan oo qof is tallaalaan shanta toddobaad ee soo socda.

 

Halkan ka raadi taxanaha rugaha tallaalka

 

 

24-kii saacadood ee ugu dambeeyey Australia oo dhan

 

  • Queensland waxaa laga helay 7 keys oo cusub. Laga bilaabo 14-ka August, qof kasta oo kasoo gala ACT, waa ku Khasab inay isku karantiilaan hotel.
  • Madaxda ACT, waxay xaqiijieyeen 6 keys iyo 3000 oo ah 'close contact'
  • Ganacsatada Tasmania ee ay saameeyeen xuduudaha xidhan iyo xayiraadaha dowlad-goboleeyada kale, waxay dalban karaan, kaalom lacageed, lag bilaabo 17 ka August.

Karantiilka, Socdaalka, goobaha baadhitaanka iyo lacagta dhibaatada safmareenka

Karantiilidda iyo baadhidda caabuqaba waxaa maamula oo muquuniya dowlad-goboleedyada:

NSW Safarka & gaadiidka iyo Karantiilka

VIC  Fasaxa socdaalkaSocdaayaalayaasha debedda and Karantiilka

ACT Gaadiidka iyo Karantiilka

NT  Socdaalkaravel iyo Karantiilka

QLD Socdaalka iyo Karantiilka

SA  Socdaalka  iyo Karantiilka

TAS  Socdaalka iyo Karantiilka

WA  Socdaalka iyo Karantiilka

 

Haddii aad rabto inaad waddanka ka dhoofto, waxaad online ku dalban kartaa fasax Halkna riix si aad uga hesho shuruudaha ku xidhan ka dhoofitaanka Ausralia. Duullimyaadyada caalamiga waxaa ka jira tallaabooyin ku meel gaadh ah oo dowladdu si isdabo-joog ah dib ugu qiimayso, waxaana macluumkooda ugu dambeeya lagu daabacaa website-ka  Smart Traveller website.

 


 


Share

3 min read

Published

By SBS/ALC Content

Presented by Abdinur Ismail

Source: SBS




Share this with family and friends


Follow SBS Somali

Download our apps

Listen to our podcasts

Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS

Somali News

Watch now