COVID-19 update: Xanibaado adag oo ka dhaqan galay Sydney

Wararkii u danbeeyay ee Coronavirus-ka Australia, 23 Agoosto 2021

Workers conduct a deep clean at Carlton Public School in Sydney, Monday, August 23, 2021.

Workers conduct a deep clean at Carlton Public School in Sydney, Monday, August 23, 2021. Source: AAP Image/Joel Carrett

  • Goobaha Covid-ku ku badan yahay ee Sydney, xanibaadaha hadda saaran waxaa ka mid ah bandow 9pm-5am iyo jimicsiga oo hal saac lagu xadiday.
  • Victoria waxaa laga diiwaan galiyay 22 kays oo aan la aqoon halka ay kasoo bilowdeen
  • ACT waxay talaalka PFizer u furtay dhalinta da'doodu u dhaxayso 16-29 sano.
  • South Australia waxay bilowday tijaabinta karantiil guri.

New South Wales

NSW waxaa laga helay 818 kays oo gobolka gudihiisa la isku qaadsiiyay oo 42 ka mid ah ay bulshada ku dhex jireen iyagoo xanuunka qaba oo fidin kara. Sadex qof 80 meeyo jiro ah ayaa u dhintay laakiin dhamaantood xanuuno kale qabeen.

Laga bilaabo maanta sharuuc cusub ayaa dhaqan galaya magaalo waynta Sydney halka shaqaalaha deggan gole deegaanada  Canterbury-Bankstown, Cumberland iyo Fairfield aan looga baahnayn inay COVID-19 iska baaraan haddii ay u shaqa tagayaan goob ka baxsan deegaankaas.

Balan talaal samayso maanta

Victoria

Victoria waxaa laga diiwaan galiyay 71 kays oo cusub oo gobolka gudihiisa la isku qaadsiiyay oo 22 ka mid ah aysan la xariirin kaysas hore loo ogaa. 55 kays ayaa iyagoo xanuunka qaba bulshada ku dhex jiray.

Kaysas aan la aqoon meesha laga soo qaaday ayaa laga helay xaafadaha Essendon West, Camberwell, Thornbury, Fitzroy North, Maidstone iyo Sorrento.

Halkan ka raadso liiska goobaha ay tageen dad xanuunka qaba iyo liiska xarumaha la isku talaalo.

Australian Capital Territory

ACT waxaa laga diiwaan galiyay 16 kays oo cusub oo gobolka gidihiisa la isku qaadsiiyay oo sadex ka mid ah la baarayo halka laga soo qaaday. Sadex kays ayaa iyagoo xanuunka qaba bulshada ku dhex jiray.

Dadka da'doodu u dhaxayso 16 ilaa 29 ayaa isu diiwaan galin kara inay qaataan talaalka PFizer hadday booqdaan bogga My Digital Health Record.

Halkan ka raadso goobaha ay booqdeen dadka xanuunka qaba, halkana ka fiiri inaad xaq u leedahay talaalka COVID-19.

24-kii saacadood ee u danbeeyay iyo Australia oo dhan
  • Queensland waxaa laga helay hal kays oo gudaha lagu kala qaaday oo guri ku karantiilnaa.
  • South Australia waxay bilowday tijaabo ah in dadka guryaha lagu karantiilo oo lagu badalo hoteelada iyagoo lagula soconayo qalab  iyo qalabka wajiga qofka lagu garto.

Karantiilka, Socdaalka, goobaha baadhitaanka iyo lacagta dhibaatada safmareenka

Karantiilidda iyo baadhidda caabuqaba waxaa maamula oo muquuniya dowlad-goboleedyada:

NSW Safarka & gaadiidka iyo Karantiilka

VIC  Fasaxa socdaalkaSocdaayaalayaasha debedda and Karantiilka

ACT Gaadiidka iyo Karantiilka

NT  Socdaalkaravel iyo Karantiilka

QLD Socdaalka iyo Karantiilka

SA  Socdaalka  iyo Karantiilka

TAS  Socdaalka iyo Karantiilka

WA  Socdaalka iyo Karantiilka

 

Haddii aad rabto inaad waddanka ka dhoofto, waxaad online ku dalban kartaa fasax Halkna riix si aad uga hesho shuruudaha ku xidhan ka dhoofitaanka Ausralia. Duullimyaadyada caalamiga waxaa ka jira tallaabooyin ku meel gaadh ah oo dowladdu si isdabo-joog ah dib ugu qiimayso, waxaana macluumkooda ugu dambeeya lagu daabacaa website-ka  Smart Traveller website.

 


 


Share

3 min read

Published

By SBS/ALC Content

Source: SBS




Share this with family and friends


Follow SBS Somali

Download our apps

Listen to our podcasts

Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS

Somali News

Watch now