COVID-19 update: Tamworth oo galaysa xanibaad, halka qaybo ka mid ah Vic laga qaadayo xanibaadaha

Health Workers at a drive-through COVID-19 vaccine hub in Melton, Monday, August 9, 2021. Victoria has entered a seven-day lockdown to contain a growing outbreak of the Delta variant of COVID-19 in the state. (AAP Image/Luis Ascui) NO ARCHIVING

Health Workers at a drive-through COVID-19 vaccine hub in Melton, Monday, August 9, 2021. Source: AAP Image/Luis Ascui

  • Tamworth oo xanibaad galaysa, Byron Bay oo digtoonaan sare ku jirta
  • Xanibaadii saarnayd qaybaha kale ee Victoria marka Melbourne laga reebo oo haawa la qaadayo
  • Xaruntii ugu horaysay Australia oo qofka oo gaarigiisa ku jira la talaalayo ayaa laga furay melbourne
  • Tasmania oo looga dhaqaaqay hirgalinta nidaamka lagu ogaado qofku meesha uu booqday ee loo yaqaa QR Code
  • Hay'adda Daawooyinka Australia (TGA) waxay ansixisay talaalka Moderna

New South Wales

NSW ayaa laga diiwaan galiyay 283 kays oo gobolka gudihiisa la isku qaadsiiyay iyo hal qof oo geeriyooday. Ugu yaraan 64 kays waxay ku dhex jireen bulshada iyagoo qaba xanuunka.

Tamworth ayaa galaysa 7 maalmood oo xanibaado ah laga bilaabo 5 galabnimo maanta kadib markii dhowr goobood uu booqday qof xanuunka qabay oo ka soo safray Newcastle.

Premierad Gladys Berejiklian ayaa sidoo kale ku baaqday in la kordhiyo dadka xanuunka iska baaraya ee deggan aagga Byron Bay, halkaas oo qof xanuunka COVID-19 laga helay.

Halkan ka fiirso liiska goobaha la iska talaalo.

Victoria

Victoria waxaa laga diiwaan galiyay 11 kays oo cusub oo COVID-19 ah oo gobolka gudihiisa la isku qaadsiiyay, dhamaantood waxaa lala xariirinayaa kaysas la yaqaan.

Premier Daniel Andrews ayaa ku dhawaaqay in xanibaadaha laga qaadayo qaybaha kale ee Victoria marka laga reebo Melbourne laga bilaabo 12:01 subaxa Talaadada 10 Agoosto wuxuuna uga digay dadka Melbourne deggan inaysan u safrin qaybaha kale ee gobolka haddii aysan haysan sabab sax ah.

Xaruntii ugu horaysay oo iyadoo qofku uusan ka deggin gaarigiisa la talaalayo ayaa laga furay xaafada Melton ee galbeedka Melbourne.

Halkan ka fiirso liiska goobaha talaalka.

24kii saacadood ugu dambeeyey Australia
  • Queenslandna waxaa laga diiwaan galisay 4 kays oo gobolka gudihiisa la isku qaadsiiyay.
  • Xanibaadihii saarnaa Cairns iyo Yarrabah ayaa la qaadayaa 4 galabnimo Arbacada bishan Agoodto.
  • Tasmainana, dhamaan Uber iyo tagaasida ayaa lagu qasbayaa inay yeeshaan nidaamka QR Code oo lagu diiwaan galinayo dadka raaca faadiidka. Waa inay nidaamkaas hirgaliyaan 6 fiidnimo Jimcadda bishu tahay 13.

Karantiil, socdaalka, goobaha baadhidda, iyo lacagta dhibaatada safmareenka

Howlaha karantiilada iyo baaritaanka coronavirus waxaa maareeya oo fuliya dawladaha gobolada.

NSW Socdaalka & Gaadiidka iyo Karantiilka

VIC Fasaxa socdaalkaDhoofayaasha iyo Karantiilka

ACT Gaadiidka iyo Karantiilka

NT Socdaalaka iyo Karantiilka

QLD Socdaalakaiyo Karantiilka

SA Socdaalakaiyo Karantiilka

TAS Socdaalakaiyo Karantiilka

WA Socdaalakaiyo Karantiilka

Haddii aad rabto inaad waddanka ka dhoofto, waxaad dalban kartaa oggolaansho. Halkan riix si aad macluumaad uga hesho shuruudaha ku xidhan ka dhoofidda Australia. Waxaa jira xogo iyo shuruudo ku-meel-gaadh ah oo ku xidhan duullimaadyada caalamiga ah oo si is-dabo-joog ah dowladdu hadba dib ugu qiimayso, xogtaasoo laga helo website-ka Smart Traveller


 War iyo macluumaad ku qoran in ka badan 60 luqadood sbs.com.au/coronavirus


Booqo NSW Multicultural Health Communication Service's translated:

COVID-19 Vaccination Glossary
Xasuusiyaha ballamaha .


Goobaha tallaalka ee gobol walba:

NSW 

Victoria 

Queensland 

South Australia 

ACT 

Western Australia 

Tasmania

Northern Territory 


Macluumaadka lacagta lagu bixiyo dhibaatada safmareenka ee gobolkaaga:

NSW 

Victoria 

Queensland 

South Australia 

ACT 

Western Australia 

Tasmania
Northern Territory

 


Share

3 min read

Published

Updated

By SBS/ALC Content

Source: SBS




Share this with family and friends


Follow SBS Somali

Download our apps

Listen to our podcasts

Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS

Somali News

Watch now