COVID-19 update: Xannibaaddi Victoria oo la kordhiyey, NSW oo 98 keys xaqiijisay

Xogtii ugu dambeysey ee Coronavirus - 19 July 2021

A person is seen crossing a quiet Flinders Street in Melbourne, Monday, July 19, 2021.  (AAP Image/Daniel Pockett) NO ARCHIVING

A person is seen crossing a quiet Flinders Street in Melbourne, Monday, July 19, 2021. Source: AAP Image/Daniel Pockett

  • Xayiraaddii dhaqdhaqaaqa Victoria oo la kordhiyey
  • New South Wales oo 98 keys laga xaqiijiyey oo 20 ka mid ahi bulshada ku dhex caaquqsanaayeen
  • Service NSW, oo furtay dalabyada kaalmada xayiraadda ee ganacsatada yaryar iyo kuwa dhexe
  • Hal milyan oo tallaalka Pfizer ah oo soo gaadhey Australia, si loogu dardar geliyo barnaamijka tallaalka.
Victoria

 

Xayiraadda Victoria Kuma dhammaan doonto maalinka Talaadada sidii la filayey. Primyeer Daniel Andrews-na weli muu go'aamin goorta la qaadayo xannibaadda iyo macluumaadkeeda.

Victoria ayaa maanta laga xaqiijiyey 13 keys oo bulshada laga dhex helay, iyo mid lagala yimid waddanka debeddiisa. Tirada guud ee keysaska Victoria ayaa hadda maraysa 81

 

15,800 oo qof oo 'close contact' ah ayaa ku kala jira karantiil iyo xayiraad-guri, iyadoo goobaha coronavirus-ta laga helay kor u dhaafeen 250. Halkan ka fiirso taxanaha goobaha coronavirusta laga helay ee loo yaqaan 'Exposure sites'

 

New South Wales

 

New South Wales, waxaa laga xaqiijiey 98 keys oo cusub, kuwaasoo saddex-meelookiiba laba meelood laga helay South-West-Sydney. 61 waxaa lala xidhiidhiey kooxo hore loo ogaa. 37-na weli waa la baadhayaa. 20, ka mid ah keysaska cusubina bulshada ayay ku dhex jireen, ugu yaraan hal maalin iyagoo caabuqsan.

 Halkan ka fiirso taxanaha goobaha coronavirusta laga helay ee loo yaqaan 'Exposrue Sites'

 Magaalo-weynta Sydney, waxaa xayiraado cusub lagu soo rogay dhammaan goobaha dhismayaasha, waxaana la xidhay goobaha ganacsiga ee aan ahayn kuwa daruuriga ah, sida dukaamada waaweyn, farmeshiyaasha, bangiyada iyo dukaamada khamriga.

 Service New South Wales, waxay ganacsatada yaryar iyo kuwa dhexe uu furtay dalbashada kaalmada xiyiraadda COVID. Ganacsatadii hore loo siiyey kaalmadii xayiraadaha COVID-19 ee ganacsatada yayar oo ay ku jiraan , 2020 Small Business COVID-19 Support iyo  kaalmadii Smal Business Recovery-guba way dalban karaan kaalmadan cusub. Dalabaadku waxay xidhmi doonaan 11:59pm, 13 September 2021. Macluumaad dheeraad ah ka raado 2021 COVID-19 business grant -Guidelines.

 Xayiraadda hadda taagan waxaa la  gaadhsiin doona illaa Jimcaha 30ka July marka saacaddu tahay 11:59p

 24-kii Saacadood ee ugu dambeeyey - Australia

 Queensland oo aan bulshada laga dhex helin keysas cusub

  • Markab xamuulka qaad oo ay saaran yihiin toddoba shaqaale ah oo COVID-19 looga shakiyey ayaa kusoo xidhay Fremantle.
  • In ka badan 800,000 oo tallaalka Pfizer ah oo Sydney la keenay iyo ku dhowaad 100,000 Melbourne la keenay.
 Ciidda 'Ciidul Adxa' ayaa bilaabmaysa caawa. Waa muhiim inaad adiga iyo dadka kaleba ammaan geliso. Marka salaadda ciidda la tukanayo. Waxaad samayn kartaa inaad:

  • Guriga ku tukato
  • Joojiso isu-imaatinka dad badan
  • Xidhato face-mask
  • Isticmaasho sijaayad/salli adiga kuu gaar ah
 Khuraafaadka COVID-19

 COVID-19 ma saameeyo dadka yaryar ee caafimaadka qaba. Dadka waaweyn uun buu ku dhacaa oo dilaa.

 Xaqiiqada COVID-19

 Virust-tu waxay saameynteedu ku badan tahay dadka da'da weyn iyo kuwa xaalado caafimaad oo kale qaba, laakiin waxay sidoo kale, dhaawacdaa oo dishaa dadka yaryar ee caafimaadka qaba.


 Karantiil, socdaalka, goobaha baadhidda, iyo lacagta dhibaatada safmareenka

 Haddii aad rabto inaad waddanka ka dhoofto, waxaad dalban kartaa oggolaansho. Halkan riix si aad macluumaad uga hesho shuruudaha ku xidhan ka dhoofidda Australia. Waxaa jira xogo iyo shuruudo ku-meel-gaadh ah oo ku xidhan duullimaadyada caalamiga ah oo si is-dabo-joog ah dowladdu hadba dib ugu qiimayso, xogtaasoo laga helo website-ka Smart Travelle


 War iyo macluumaad ku qoran in ka badan 60 luqadood sbs.com.au/coronavirus


Booqo NSW Multicultural Health Communication Service's translated:

Goobaha tallaalka ee gobol walba:


NSW 
ACT 

 Macluumaadka lacagta lagu bixiyo dhibaatada safmareenka ee gobolkaaga:

NSW 
ACT 

 


Share

Published

Updated

By SBS/ALC Content
Presented by Abdinur Ismail
Source: SBS

Share this with family and friends


Follow SBS Somali

Download our apps
SBS Audio
SBS On Demand

Listen to our podcasts
Independent news and stories connecting you to life in Australia and Somali-speaking Australians.
Ease into the English language and Australian culture. We make learning English convenient, fun and practical.
Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS
Somali News

Somali News

Watch in onDemand
COVID-19 update: Xannibaaddi Victoria oo la kordhiyey, NSW oo 98 keys xaqiijisay | SBS Somali