- Virus badan oo laga helay bullaacadda gobolka Newcastle
- Brisbane oo laga baajiyey faxasii dadweynahay ee Ekka
- South Australia oo bulshada laga dhex helay hal keys oo cusub
Victoria oo aan wax keysas cusub ah laga helin
New South Wales
NSW waxaa laga xaqiijiyey 233 keys oo cusub oo COVID-19 ah, kuwaaas oo 47 ka mid ahi bulshada ku dhex jireen iyagoo caabuqa qaba. Labo qof ayaa iyaguna ku dhintay. Mid ka mid ah labada qof ee dhintay ayaa qof labaataneeyo jir ah oo degganaa Southwest Sydney, qofkaasoo xaaladdiis caafimaad si lama filaan ah u xumaatay.
Sarkaalladda caafimaadka ee NSW, Dr Keryy Chant, bulshada deggaanka Newcastle ugu baaqday inay is baadhaan, ka dib markii Virus badan laga helay bullaacadda deegaankaas.
Deegaannada si gaar ah loogasii walaacsanyaha waxa ka mid ah: Birmingham Gardens, Shortland, Maryland, Fletcher, Minmi, Cameron Park, Mayfield, Stockton, iyo Fern Bay.
Halkan ka raadi Taxanaha goobaha tallaalka.
Quensland
Queenslad waxaa laga xaqiijiyey 17 keys oo cusub oo 16 ka mid ah lala xidhiidhiy meelihii hore looga helay virus-ta. Laakiin keyska 17 aad aya laga soo sheegay Cairns duhurkii bishu August ahayd 3.
Maalinka sida caadiga fasaxa dadweyne ka ah Brisbane, oo sabtidan bilaabmi lahaa ayaa la baajiyey iyadoo dib loogu dhigi doono waqti ka mid ah sannadkan dabayaaqadiisa.
Sarkaaladda caafimaadka, Jeannette Young, ayaa bulshada ku boorrisay inay waxay iibsanayaan ku dalbadaan online ahaan, ama ay dib u dhigtaan, intii ay bulshada la dhex geli lahaayeen.
Halkan ka raadi Find here the Macluumaad COVID-19 ah oo luqaddaada ku qoran
24kii saacadood ee ugu dambeeyey Australia
- South Ausrlia oo hal keys oo qudha laga helay, kaasoo ah nin labaataneeyo jir ah oo karantiil ku jirey
- Victoria oo aan keysas cusub laga helin markii ugu horraysey muddo saddex toddobaad ah.
Karantiilka, Socdaalka, goobaha baadhitaanka iyo lacagta dhibaatada safmareenka
Karantiilidda iyo baadhidda caabuqaba waxaa maamula oo muquuniya dowlad-goboleedyada:
NSW Safarka & gaadiidka iyo Karantiilka
VIC Fasaxa socdaalka, Socdaayaalayaasha debedda and Karantiilka
ACT Gaadiidka iyo Karantiilka
NT Socdaalkaravel iyo Karantiilka
QLD Socdaalka iyo Karantiilka
SA Socdaalka iyo Karantiilka
TAS Socdaalka iyo Karantiilka
WA Socdaalka iyo Karantiilka
Haddii aad rabto inaad waddanka ka dhoofto, waxaad online ku dalban kartaa fasax Halkna riix si aad uga hesho shuruudaha ku xidhan ka dhoofitaanka Ausralia. Duullimyaadyada caalamiga waxaa ka jira tallaabooyin ku meel gaadh ah oo dowladdu si isdabo-joog ah dib ugu qiimayso, waxaana macluumkooda ugu dambeeya lagu daabacaa website-ka Smart Traveller website.
- War iyo macluumaad ku qoran in ka badan 60 luqadood sbs.com.au/coronavirus
- Hagayaasha ku khuseeya ee gobolkaaga: NSW, Victoria, Queensland, Western Australia, South Australia, Northern Territory, ACT, Tasmania.
- Macluumaad ku saabsan Tallaalka COVID-19 LUQADDAADA.
Booqo NSW Multicultural Health Communication Service's translated:COVID-19 Vaccination Glossary
Xasuusiyaha ballamaha .
Goobaha tallaalka ee gobol walba:NSW Victoria Queensland South Australia ACT Western Australia TasmaniaNorthern Territory
Macluumaadka lacagta lagu bixiyo dhibaatada safmareenka ee gobolkaaga:NSW Victoria Queensland South Australia ACT Western Australia Tasmania
Northern Territory
