Watch FIFA World Cup 2026™

LIVE, FREE and EXCLUSIVE

Craig Kelly Apologizes for M-H 17 Comment

Liberal Member for Hughes Craig Kelly has been forced to apologise over his MH17 comments.
Liberal Member for Hughes Craig Kelly has been forced to apologise over his MH17 comments. Source: AAP

Craig Kelly oo ah xildhibaan federal kana tirsan xisbiga Liberalka ayaa si buuxda raaligalin u siiyay qoysaskii dadkoodu ku dhinteen diyaradii  M-H-17 ee Ukraine lagu soo riday. Raaligalinata ayaa timid kadib markii hadal uu hore u yiri laga dhadhansaday inuu leeyahay  waa in laga gudbaa masiibadaas.

Dad ku dhow 300 oo qof oo ay ka mid yihiin 38 Australian ah ayaa ku dhintay markii diyaarada Malaysia Airline lagu soo riday gantaal Ruush 2014.

Maalin kadib sanadguuradii 4aad ayuu Mr Kelly sheegay in lugtii uu ku lahaa Ruushku layska iloobo si loo hagaajiyo xiriirka caalamiga.

Wuxuu markaas kadib raaligalin ka bixiyay hadalkaas laakiin wuxuu Sky News u sheegay in hadalkiisa si qalad ah loo turjumay.

[["Raaligalin ayaan ka bixinayaa dhibkii aan u gaystay dadkii qoyskoodu ku dhintay iyo saaxiibadood. Waa fahamsanahay in arintan ay tahay mid xasaasi ah laakiin hadalkayga si qalad ah ayaa loo turjuntay. Sida aan u iri waxay ahayd, waxaan aaminsanahay inay laga maarmaan tahay in hogaamiyayaasha Ruushka iyo Maraykanku ay xiriir shaqo oo fiican yeeshaan."))

 


1 min read

Published



Share this with family and friends


Follow SBS Somali

Download our apps

Listen to our podcasts

Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS

Somali News

Stream now