Craig McLachlan oo lagu eedeeyay anshax xumo jinsiya.

Craig McLachlan oo lagu eedeeyay anshax xumo jinsiya.

Craig pigcure

Source: AAP

Jilaaga Australianka ah ee caanka ah Craig McLachlan, ayaa lagu soo eedeeyay dhaqan xumo dhanka jinsiga la xidhiidha , balse dhankiisa arintaas aa ayuu isaga fogeeyay.

Sadex gabdhood oo jilaayaala, ayaa ugu horayntii sheegtay in McLachlan, uu si anshaxa ka baxsan uu oola dhaqmay, markii ay wada jilayeen bandhig faneed la magac baxay Rocky Horror sanadii 2014.

Laba qof oo kale ayaa iyaguna kusoo beereen dacwada dhaqan xumada jinsiga, ee lagu sheegtay Jilaaga McLachlan, iyagoo ay bilayska ka dacwoodeen.

dhankooda bilayska Victoria ayaa cadeeyeen in ay baadhitaano ku wadaan, dacwooyinka ka dhanka ah jilaaga, halkaas oo laba kiis laga soo gudbiyay.

Waxyaabihii oogu danbeeyay ee Jilaaga dacwadiisaa ku saabsan ayaa waxa ay noqdeen, in soo saaraha bandhig faneedka Rocky Horror, uu ku dhawaaqay in Maclachlan uusan ka mid noqon doonin bandhig-faneedka sanadka 2018.

Shirkada Cordon Frost, oo iyadu soo saarta bandhig faneedkan, ayaa war bixin ay kasoo saartay aritan, waxa ay sheegtay in Shirkadu ay aad oola yaabtay markii arintaas ay maqashay.


Share

Published

Updated

By Mohamed A Madar
Presented by Mohamed A Madar

Share this with family and friends


Follow SBS Somali

Download our apps
SBS Audio
SBS On Demand

Listen to our podcasts
Independent news and stories connecting you to life in Australia and Somali-speaking Australians.
Ease into the English language and Australian culture. We make learning English convenient, fun and practical.
Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS
Somali News

Somali News

Watch in onDemand