Watch FIFA World Cup 2026™

LIVE, FREE and EXCLUSIVE

Craig McLachlan oo lagu eedeeyay anshax xumo jinsiya.

Craig McLachlan oo lagu eedeeyay anshax xumo jinsiya.

Craig pigcure
Source: AAP

Jilaaga Australianka ah ee caanka ah Craig McLachlan, ayaa lagu soo eedeeyay dhaqan xumo dhanka jinsiga la xidhiidha , balse dhankiisa arintaas aa ayuu isaga fogeeyay.

Sadex gabdhood oo jilaayaala, ayaa ugu horayntii sheegtay in McLachlan, uu si anshaxa ka baxsan uu oola dhaqmay, markii ay wada jilayeen bandhig faneed la magac baxay Rocky Horror sanadii 2014.

Laba qof oo kale ayaa iyaguna kusoo beereen dacwada dhaqan xumada jinsiga, ee lagu sheegtay Jilaaga McLachlan, iyagoo ay bilayska ka dacwoodeen.

dhankooda bilayska Victoria ayaa cadeeyeen in ay baadhitaano ku wadaan, dacwooyinka ka dhanka ah jilaaga, halkaas oo laba kiis laga soo gudbiyay.

Waxyaabihii oogu danbeeyay ee Jilaaga dacwadiisaa ku saabsan ayaa waxa ay noqdeen, in soo saaraha bandhig faneedka Rocky Horror, uu ku dhawaaqay in Maclachlan uusan ka mid noqon doonin bandhig-faneedka sanadka 2018.

Shirkada Cordon Frost, oo iyadu soo saarta bandhig faneedkan, ayaa war bixin ay kasoo saartay aritan, waxa ay sheegtay in Shirkadu ay aad oola yaabtay markii arintaas ay maqashay.


1 min read

Published

Updated

By Mohamed A Madar

Presented by Mohamed A Madar




Share this with family and friends


Follow SBS Somali

Download our apps

Listen to our podcasts

Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS

Somali News

Stream now