Daadadka oo wali ka sii socda NSW

Flood-affected properties in Lismore, NSW, on February 28, 2022

Flood-affected properties in Lismore, NSW, on February 28, 2022 Source: AAP

Gole deegaano ka badan 40 oo ku yaal NSW oo dhan ayaa lagu dhawaaqay inay yihiin aag masiibo iyadoo dawlada federalku bixinayso deeqo gaaraya 1 bilyan oo doolar oo lagu caawinayo bulshooyinka daadadku saameeyeen.

Si looga jawaabo masiibada daadadka, wasiiradda maaraynta masiibooyinka ayaa sheegtay in qaabab kala duwan lagu wado dadaalada iyo maalgalinta dib u soo kabashada.

Xafiiska Saadaasha Hawada ayaa ka digaya in dabaylo xoogan ku soo wajahan yihiin gobolada  mid-north coast, central coast, south coasts iyo waliba Illawarra, Sydney iyo Hunter ee New South Wales.
 
Roobka ayaa qaadaya iyadoo RW Scott Morrison safar ku tagayo Lismore iyadoo la filayo inuu ku dhawaaqo inta uu halka ku sugan yahay in daadadku yihiin masiibo qaran.
 
Laakiin ku xigeenka RW Barnaby Joyce ayaa SKY News u sheegay inay dhici karto in dadweynaha halkaas degan aysan si diiran u soo dhawayn Ra'iisul Wasaaraha.
 
"Waa wax la garan karo inay doonayaan inay qeexaan xanuunka haya. Ma filayo inay dadka si fiican u soo dhawaynayaan sababtoo ma ay ku faraxsana sida wax u socdaan," ayuu yiri.

Share

Published

Updated


Share this with family and friends


Follow SBS Somali

Download our apps
SBS Audio
SBS On Demand

Listen to our podcasts
Independent news and stories connecting you to life in Australia and Somali-speaking Australians.
Ease into the English language and Australian culture. We make learning English convenient, fun and practical.
Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS
Somali News

Somali News

Watch in onDemand