Gobalka Western Australia gooba ka mida ayaa waxaa saameyn culus u gaystay daadad xoogan oo ka dhashay kadib markii uu maalma isku xiga ka da’een roobab mahiigaana, kuwaas oo sababay khasaara badan oo hantiyeed.
Ra’iisul Wasaare Anthony Albanese iyo Premier-ka Gobalka Western Australia Mark McGowan, ayaa booqasho ku tagay Fitzroy Crossing.
Labada masuul ayaa cadeeyey in dadka ay saameeyeen daadadkani ay helayaan caawinaad dowladu ay siinayso si ay uga soo kabtaan dhibaatada gaadhay.
Dhibaatada meelaha ay saameysay ee aadka u daran waxaa ka mida Fitzroy Crossing, oo iyadu hada go’odoon ah, kadib markii daadadku ay gooyeen jidadkii lamarayey iyada ooy go’day halkii buundo ee kaliya ee lagaga talaabayey wabiga Fitzroy.
Hantida dhaqaale ee lagu waayey daadadka ka dhacay Western Australia oo ay guryuhu ku jiraan, ayaa waxaa iyadana si culus dhibaata u gaadhay beeraha iyo xoolaha.
Ra’iisul Wasaarahu mar uu goobta ka hadlayey waxaa ka mid ahaa hadaladiisii “Waxaan aragnay burbur weyn oo kaabayaasha dhaqaalaha gaadhay. Waxaan aragnay dad wax walba ku waayay daadadkan boqol sano la araga ah. Tani waxay dadka u ahayd waayo-aragnimo naxdin leh. dadkuna si adag ayay u samaynayaan. Waana inaan hubinaa in taageero kasta la bixiyo, marka la eego la-taliyayaasha goobta jooga.