Dadaala dheeraada oo dowlada Australia uga foojigantahay cudurka Foot & Mouth.

Cudurka Foot and Mouth (Raaf-dilaac & Cabeeb) oo wadanka Indonesia ka dilaacay, ayaa Australia ay digtooni badan ka gashay sidii ay isaga ilaalin lahayd inuusan usoo talaabin.

A veterinarian prepares a dose of the foot-and-mouth vaccine at a farm in Bogor, West Java, Indonesia, 29 June 2022. Indonesia is intensifying inspections of cattle and taking steps to prevent the spread of the foot-and-mouth disease (FMD), enforcing prev

Impfung gegen Maul- und Klauenseuche auf einem Bauernhof in Indonesien. Source: EPA

Cudurkii Foot and Mouth (Raaf-dilaac & Cabeeb) ayaa  jajab yaryar oo ka mida laga dhex helay hilib si qarsoodiya lagusoo galiyey wadanka Australia.

Mas'uuliyiinta dawlada Austraia, waxay sii wadn inay uxaqiijiyaan waaxda xoolaha ee Australia inay samaynayaan wax kasta oo ay awoodaan si ay uga hortagaan cudurka (Foot and Mouth) inuu gudaha soo gaadho, ka dib markii la helay jajabyo badan oo fayras ah.

Waxaa la fahamsan yahay in jajabka laga helay hilibka lo'da in uu kasoo galay Terminalka Caalamiga ah ee Adelaide, oo uu keenay rakaab ka yimid Indonesia oo aan sheegin.

Wasiirka beeraha Murray Watt ayaa meesha ka saaray baaqa ka soo yeeray Isbaheysiga ee ahaa in si ku meel gaar ah loo xiro xudduudaha Australia iyo Indonesia, isagoo ku eedeeyay mucaaradka inay siyaasadeynayaan xaaladda.

Madaxa Caafimaadka xoolaha ee Australia Mark Schipp ayaa ku celceliyay hadalka wasiirka, isaga oo u sheegay Channel Nine in wadanku khibrad u leeyahay iska ilaalinta cudurada cagaha iyo afka (Foot and Mouth).


Share

Published


Share this with family and friends


Follow SBS Somali

Download our apps
SBS Audio
SBS On Demand

Listen to our podcasts
Independent news and stories connecting you to life in Australia and Somali-speaking Australians.
Ease into the English language and Australian culture. We make learning English convenient, fun and practical.
Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS
Somali News

Somali News

Watch in onDemand
Dadaala dheeraada oo dowlada Australia uga foojigantahay cudurka Foot & Mouth. | SBS Somali