Dadaala lagu doonayo in dib loosoo celiyo lacatii bukaanka Covid-19-ka.

Dadka uu haleelo cudurka Covid-19 ka ayaa Dowlada Australia waxa ay siin jirtay xiliga is-karantiilka uu qofku ku jiro lacag taakulayna. Lacagtaas ayaa la jaray, balse maadaama cudurkii uu weli socdo dadaala ayaa jira codsanaya in lacagtaas dib loo biilaabo bixinteeda.

Ο πρωθυπουργός Άντονι Αλμπανίζι με δηλώσεις του είπε πως από Τετάρτη θα μπορούν όσοι ασθενούν από κορωνοϊό να κάνουν αίτηση για το έκτακτο επίδομα.

Ο πρωθυπουργός Άντονι Αλμπανίζι με δηλώσεις του είπε πως από Τετάρτη θα μπορούν όσοι ασθενούν από κορωνοϊό να κάνουν αίτηση για το έκτακτο επίδομα. Source: AAP / MICK TSIKAS/AAPIMAGE

Ra’iisul Wasaare Anthony Albanese ayaa aqbalay kulan deg deg ah oo ay isugu imaanayaan Golaha Wasiirada Qaranka maalinta Isniin ah, si looga hortago dhibaatada COVID-19 ka oo haatan si aada usii fidaya.

Anthony Albanese ayaa lagu wadaa inuu wajaho cadaadis uga imaanaya madaxda gobolada, khuseeyana go'aankii lagu jaray $ 750 kii lacagta is-karantiilka ee qofka uu ku dhacay Covidka todobaadkii la siini jiray, iyagoo doonaya in lacagtaas dib loo soo celiyo.

Iyada oo tirada kiisaska fayraska ay kor u kacday, waxaa jira dhawaqyo badan oo ka imaanaya ururada shaqaalaha iyo ganacsatada oo ku saabsan soocelinta lacag-siinta bukaanka Covidka, taas oo dhammaatay Juun 30.

Arintan ayaa waxay ku soo beegmaysaa iyadoo Dowladda Federaalka ay soo saartay qorshe shan qaybood ka kooban oo lagu caawinayo xarumaha daryeelka ee dadka da'da si ay ula qabsadaan mowjadaha xanuunka ee qaboobaha socda..

Wasiirka daryeelka dadka da'da ah Annika Wells ayaa sheegtay in istiraatiijiyadu ay diiradda saari doonto tallaalka, hababka ka hortagga fayraska, bad qabka shaqaalaha iyo dadka soo booqanaya, iyo tababarada kontoroolka cudurka.


Share

Published


Share this with family and friends


Follow SBS Somali

Download our apps
SBS Audio
SBS On Demand

Listen to our podcasts
Independent news and stories connecting you to life in Australia and Somali-speaking Australians.
Ease into the English language and Australian culture. We make learning English convenient, fun and practical.
Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS
Somali News

Somali News

Watch in onDemand