Dadka deggan saraha dhaadheer oo dibudejin loo soo jeediyay.

A new program to dispel myths among Melbourne public housing residents about the COVID-19 vaccine

A new program to dispel myths among Melbourne public housing residents about the COVID-19 vaccine Source: AAP

Dadka deggan saraha dhaadheer ee dawlada ayaa loo soo bandhigay fursad ah inay deggaaan guryo gaar loo leeyahay oo loo kireeyay mudo 2 sano ah si loo yareeyo faafka coronavirus-ka.

9 ka mid ah dabaqyada Flemington iyo North Melbourne ayaa xanibaado adag la geliyay bishii July si loo xakameeyo faafka COVID-19, waxaana loo diiday dadka deggan inay guryohooda ka baxaan mudo 5 maalmood ah. 9 dhisme ee dawlada ayaa la sheegay inay ku nool yihiin 3 kun oo qof.

 

Sida laga soo xigtay joornaalka TheAge, Dawlada Gobolka ayaa barnaamujkan dibu dejinta ah ku bixinaysa qarash gaaraya 31.7 milyan oo doolar iyadoo la kiraynayo guryo gaaraya 420 mudo labo sano ah oo la dejiyo dadka dabaqayada dawlada deggan oo qatar wayn ugu jira coronavirus.

Barnaamujkan oo aan cidna lagu qasbayn ayaa loogu talo galay qoysaska balaaran iyo dadka xaalado caafimaad qaba oo gaar ah ugu nugul COVID-19.
A view of a public housing tower along Racecourse Road in Flemington, Monday, July 6, 2020.
One of the iconic high-rise public housing towers in Flemington. Source: AAP

Dawlada ayaa sheegtay in arintan ay yaraynayso qatar ah in coronavirus sii faafo sidoo kalana ay banaynayso guryaha dawlda oo saf dheer ay ugu jiraan dad badan oo reer Victoria ah.
 

Dad gaaraya ilaa 80 kun ayaa sugaya guryaha dawlada Gobolka Victoria.

“Dibu dejinta qoysaska balaaran iyo dadka xaaladaha caafimaad qaba oo raba inay guuraan waxay yaraynaysaa qatarta in coronavirus ku faafo dabaqyadaas," ayuu yiri Wasiirka Guryaha Richard Wynne.

Dadka xaqa u leh ayay dawladu si toos ah ula xariiraysa si ay ugala hadasho sida ay barnaamujkan uga faaidaysan karaan.


Dhamaan dadka dibudejintan la siiyo ayaa wali guryaha dawlada xaq u leh iyadoo 2 sano kadib loo raadin doono guryo waqti dheer.


Barnaamujkan dadka looga rarayo guryaha dhaadheer ee dawlada ayaa waxaa taageeray Sarkaalka Caafimaadka ugu sareeya Victoria Brett Sutton oo ku sheegay qorshahan mid lagu yaraynayo faafka coronavirus.

Dawlada ayaa sidoo kale sheegtay inay sii wado qorshayaal kale oo hore looga hirgaliyay saraha dhaadheer oo ay ku jiraan nadiifinta goobaha dadku wadaagaan iyo macluumaad ku qoran luqado dhowr ah oo ku saabsan sida xakamayn karo faafka coronavirus.




Share

Published


Share this with family and friends


Follow SBS Somali

Download our apps
SBS Audio
SBS On Demand

Listen to our podcasts
Independent news and stories connecting you to life in Australia and Somali-speaking Australians.
Ease into the English language and Australian culture. We make learning English convenient, fun and practical.
Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS
Somali News

Somali News

Watch in onDemand
Dadka deggan saraha dhaadheer oo dibudejin loo soo jeediyay. | SBS Somali