Senatorad Malarndirri McCarthy ayaa dhaliilshay hadal kasoo yeeray wasiirka maaliyada Mathias Cormann oo uu kaga hadlay dadkii ka qaybgalay dibadbaxyadii Balck Lives matter oo ka dhacay magaalooyinka kala duwan ee Australia.
Senator Cormann ayaa ku tilmaamay dadkii ka qayngalay dibad baxyada kuwo aan dadka kale ka fakarin oo qayrul masuul ah markay ka qaybgaleen kulan dad badan isugu yimaadeen iyadoo uu jiro xanuunka COVID-19 ee faafaya.
Tobanaan kun ayaa maray wadooyinka magaalooyinka Sydney, Melbourne, Brisbane, Adelaide iyo qaar ka mid ah magaalooyinka yaryar ee dalka maalintii Sabtidii inkastoo laga digay qatarta caafimaadka dadweynaha.
Senatorad McCarthy ayaa chanell nine u sheegtay in hadalka Senator Corman uu ahaa qayrul masuul ahaa , dawladana looga baahan yahay inay diirada saarto siday wax uga qaban lahayd tirada badan ee dadka dalka loogu yimid oo xabsiyada ku jira.

Labor Senator Malarndirri McCarthy. Source: AAP
"Ra'iisul Wasaaruhu wuxuu awood u yeeshay inay kulmiyo golaha qaranka si wax looga qabto coronavirus. Hadda waxaan ku dhici lahaa Mathias iyo RW isu keena gole qaran oo yareeya tirada badan ee maxaabiista xabsiyada ku jira," ayay tiri Senatorada Malarndirri.
Dhanka kalana, Madaxa Ururka Dhaqaatiirta Australia ayaa ka codsaday kumanaankii qof ee ka qaybgalay dibad baxyadii Balck Live Matter Sabtidii inay is-karantiileen labo asbuuc.
Dr Tony Bartone ayaa ku boorinaya dibad baxayaasha inay guryohooda joogaan lana socdaan caafimaadkooda, iskana baaraan coronavirus haddii ay isku arkaan calaamadaha lagu garto xanuunka.

Source: AAP
"Waa talaabo taxadar ah, oo aan ku hubinayno inaynaan arag xanuunka oo markale qarxa ama kaysas badan oo cusub. Waa taxadar aan ku doonayno inaan ku difaacno bulshada laguna hubinayo inaynaan lumin guulihii aan ka gaarnay xanuunka intii xanibaadaha lagu jiray sadexdii bilood ee u danbeeyay," ayuu yiri Mr Bartone.