Boqolaal banaanbaxayaal ah oo reer Niger ah ayaa heeso iyo qoob ka ciyaar ku sameeyay iyagoo kusii nagi habeenkii labaad ee Axadii (September 3) afaafka saldhiga ciidamada Faransiiska ee Niamey.
Fadhiga ayaa yimid kadib banaanbax ballaaran oo lagu dalbanayay in ciidamada Faransiiska laga saaro dalkaas, taasoo timid kadib afganbigii militariga oo Paris ay diiday inay aqoonsato.
Afganbigii July 26 - mid ka mid ah siddeed afganbi military oo ka dhacay Galbeedka iyo Bartamaha Afrika tan iyo 2020 - ayaa soo jiidatay quwadaha caalamka oo ka walaacsan in loo badalo xukunka militariga ee gobolka oo dhan.
Saamaynta ugu badan ayaa ah Faransiiska oo saamayntii uu ku lahaa dalalkii uu horey u gumeysan jiray ee Galbeedka Afrika oo hoos u dhacday sannadihii u dambeeyay. Ciidamada Faransiiska ayaa laga saaray dalalka deriska la ah Niger sida Mali iyo Burkina Faso tan iyo markii ay afgambiga ka dhaceen dalalkaas, taasoo yareysay kormeerkeeda dagaalka gobolka oo dhan si looga adkaado fallaagada Islaamiyiinta ah ee dilaaga ah.
Naceybka ka dhanka ah Faransiiska ayaa sare u kacay tan iyo afgambiga balse waxaa sii xumaaday todobaadkii hore markii Faransiiska uu iska dhaga tiray amarkii milatariga ee ahaa in safiirkooda uu baxo.
Niger waxa ay sidoo kale jartay xiriirka milatari ee ay la lahayd ciidamada Faransiiska.