Dagaalka Ukraine: ciidanka Ruushka oo qabsaday goob muhiim ah

The Safe Confinement covering the 4th block of Chernobyl Nuclear power plant

The Safe Confinement covering the 4th block of Chernobyl Nuclear power plant Source: AAP

Ciidanka Ruushka ayaa qabsaday warshada Nukliyeerka Chernobyl.
 
Tan ayaa imanaysa saadaco kadib markii madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy uu bartiisa twitterka ku qoray in ciidaanka Ruushka ee dalka ku soo duulay ay isku dayayaan inay qabsadaan goobta warshadu ku taal.
 
Warshadan ayaa ah goobtii ay ka dhacday masiibadii nukliyeer ee aduunka ugu xumayad markii ay qaybta korontada warshadu qaraxday taas oo shucaac sun ah hawada Yurub oo dhan ku sii daysay.
 
Warshadan ayaa ku taal meel 130 km u jirta caasimada Ukraine ee Kyiv. Warshadan ayaa qaraxa ka dib waxaa lagu daday dahaar joojinaya shucaacuhu inuu baxo iyadoo warshada howlgab laga dhigay oo aan shaqayn.
 
Ra'iisul Wasaaraha Ukraine Denys Shmyhal ayaa warka qabsashada warshada ku dhawaaqay.
 
"Nasiib daro, waxaan idiin sheegayaa in waqtigan la joogo  aaga Chernobyl, oo loo yaqaan aagii qaraxa iyo dhamaan warshadii nukliyeerka Chernobyl ay ciidanka Ruushku la wareegeen. Cidna qasaaro kama soo gaarin, sida laga soo xigtay maamulka xarunta."

Share

Published


Share this with family and friends


Follow SBS Somali

Download our apps
SBS Audio
SBS On Demand

Listen to our podcasts
Independent news and stories connecting you to life in Australia and Somali-speaking Australians.
Ease into the English language and Australian culture. We make learning English convenient, fun and practical.
Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS
Somali News

Somali News

Watch in onDemand
Dagaalka Ukraine: ciidanka Ruushka oo qabsaday goob muhiim ah | SBS Somali