Watch FIFA World Cup 2026™

LIVE, FREE and EXCLUSIVE

Dagaalka Ukraine: RW Morrison oo canbaareeyay duulaanka Ruushka

اسکات موریسون نخست وزیر استرالیا

اسکات موریسون نخست وزیر استرالیا Source: AAP / BIANCA DE MARCHI/AAPIMAGE

Ra'iisul Wasaare Scott Morrison ayaa canbaareeyay duulaanka Ruushku ku qaaday Ukraine sidoo kalana ku dhawaaqay cunaqabatayn la saarayo Ruushka.

Australia ayaa xanibaado socdaal iyo mid dhaqaale ku soo rogtay 8 xubnood oo ka tirsan golaha amniga qaranka Ruushka oo Mr Morrison ku sheegay inay caawinaynaa qaybna ka yihiin duulaanka.

 

Waxaa sidoo kale cunaqabatayno dheeraad ah la saarayaa 25 qof oo kale oo ay ku jiraan taliyayaal ciidan, ku xigeenada wasaarada gaashaandhiga iyo calooshood u shaqaynstayaal Ruush ah.

 

Mr Morrison ayaa sheegay inay u badan tahay in cunaqabatayntu aysan wax wayn tarin laakiin beesha caalamka looga baahan yahay inay ku midoobaan canbaaraynta falka Ruushka.

 

"Dawlada Ruushku waxay ku dhawaaqday waxa ay ugu yeertay howlgal milatari oo gaar ah oo ay ka fulinayso Ukraine. Waxay sidaad leedahay kadib bilo gardaraysi iyo cagajuglayn ah, laakiin waxay tahay ayaan ku sheegaynaa. Dawlada Ruushku waxay qaaday duulaan arxandaro ah oo aan qiil lahayn oo ay ku qaaday Ukraine, waana in siday tahay loo canbaareeyo, Australiana way canbaaraynaysaa." ayuu yiri Mr Morrison.

 


1 min read

Published



Share this with family and friends


Follow SBS Somali

Download our apps

Listen to our podcasts

Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS

Somali News

Watch now