Ra'iisul Wasaare Scott Morrison ayaa ku dhawaaqay qorshe 3 heer ah oo lagu qafiifinayo xanibaadaha coronavirus dartiis loosoo rogay.
Marxalada ama heerka koowaad ayaa dadka guryohooda ay soo booqan karaan ilaa 5 qof. Waxaa kaloo la furayaa maktabadaha, xarumaha bulshada, goobaha caruurtu ku cayaaraan, barkadaha lagu dabaasho, maqaayadaha iyo sidoo kale in dadku u kala socdaali karaan gobolka aad deggan tahay dhexdiisa.
Dadka ku kulmi kara dibada ayaa la kordhinayaa marka la gaaro marxalada labaad oo 20 qof kulmi karaan taas oo macneheedu yahay in dib loo furi karo goobaha lagu jimicsado (gyms), meelaha la isku qurxiyo, shaleemooyinka, madxafyada sidoo kalana gobolada dalka loo kala socdaali karo.
Heerka 3 aad ayaa lasii kordhinayaa dadka kulmi kara oo la gaarsiinayo 100 qof iyadoo dib loo furayo kalabyaada lagu caweeyo waxaa sidoo kale laga fakarayaa in dib loo bilaabo socdaalka New Zealand, dalalka baasifiga iyo kan ardayda ajaaniibta ah.
Mr Morrison ayaa sheegay ujeedadu tahay in sadexdaas heer la fuliyo oo la gaaro bisha July.
Golaha qaranka ayaa dib u eegid ku samayndoona talaabooyinka la qaaday 3 asbuuca mar.