Watch FIFA World Cup 2026™

LIVE, FREE and EXCLUSIVE

Darawalada Uber oo GST bixindoona kadib xukun maxkamadeed

Uber drivers to pay GST after Uber lost a landmark legal battle with the Australian Taxation Office.

A screen shot of the Uber taxi app in Brisbane
Source: AAP

In ka badan 50 kun oo darawalo Uber ka wada Australia si ay xooga lacaga ah uga helaan ayaa hadda laga doonayaa inay rakaabka ka qaadan GST oo ay dawlada siiyaan kadib markii looga adkaaday dacwo kala dhaxaysay xafiiska canshuuraha ee Australia ATO.

Agoosto 2015, ayay ATO kusoo rogtay in darawada Uber ay aruuriyaan canshuurta si la mid ah tan tagaasilayda.

Uber ayaa qarasha lagu raaco gawaaridooda kordhiyay 10% si ay ugu bixiyaan canshuurta laakiin waxay ku dooday inaan lagu qasbin in darawaladu bxiyaan GST maadaama aysan ahayn tagsiilayaal. Uber ayaa maxkamad la aaday xukunkii ATO.

Laakiin maxkamada federalka ee Sydney ayaa maantoo jimce ah uu xaakin Griffiths uu xukunka u riday dhanka hayada canshuuraha isagoo ku raacay doodii ATO oo ahayd in Uber uu la mid yahay adeegyada tagaasida sidaas darteedna laga rabo inay bixiyaan GST.

Xukunkii hore ee 2015 ayaa waxaa ku qornaa in Uber iyo shirkadaha kale ee dadka qaada inay isu diiwaan galiyaan GST, hadase ma cadda sida go'aankan maxkamadu u saamaynayo darawadii Uber oo aan isu diiwaangalin GST iyagoo sugayay kayskan maxkamada.

Afahyeen u hadlay Uber ayaa yiri" aad baan uga xunahay xukunka maxkamadu maanta riday. Waana eegaynaa go'aanka darwaladeena macluumaad dheeraad ayaan la wadaagi doonaa sida ugu dhaqsaha badan.

Ururka tagaasilayda Australia ayaa soo dhawaysay go'aankan. waxayna sheegeen in dooda Uber ay ku tiirsanayd in maxkamadu ogolaato in daldalool ka jiro xeerka GST oo markaas Uber ku dhuuman karo daldalool sharciyeed.

“Waan ku faraxanahay  go'aankae" sidaas waxaa yiri madaxa ururka tagasilayda Balir Davis.

 

Go'aankan ayaa macnihiisu yahay in darwalada Uberka looga baahan yahay in isudiiwaan galiyaan GST sida darwalada tagaasida oo kale.

 


2 min read

Published


Share this with family and friends


Follow SBS Somali

Download our apps

Listen to our podcasts

Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS

Somali News

Stream now