Dawlada Federalka ayaa ku dhawaaqday in shacabka Australia ee ku xaniban dalka dibadiisa oo ay haysato dhibaato dhaqaale ay codsan karaan dayn hal mar ah oo gaaraysa 2 kun ilaa 5 kun oo doolar oo ka kaalmaysa nolosha ama tigidhada diyaarada.
Sharuudo adag ayaa lagu xiray codsiga dayntan, dadka codsanayaa waa inay cadeeyaan inay baahi sax ah u qabaan daynta, cadaymahaas oo ay ku jiraaan inaysan lacag ka heli karaan qoys ama saaxiibo, bangi ama caymis.
Haddii daynta dib loo bixin waayo 6 bilood gudihood dawladu waxay qofka ka kansali kartaa baasaboorka.
Wasaarada Arimaha Dibada ayaa sheegtay in dayntan ay caawinayso "muwaadiniinta ugu nugul ee dalka dibadiisa ku sugan".
Dayntaan degdeg ah ayaa loogu talo galay inay dadku dalbadaan markay waayaan dariiq kale oo ay lacag ku helaan. Dadka codsanayana waa inay yihiin kuwo markiiba ku soo laabanaya dalka.
Wasaarada Arimaha Dibada ayaa qoraal ku tiri "Haddi diyaaradaha caadiga ah la waayo, waxaan kala shaqaynaynaa shirkadaha diyaarada iyo dawladaha inay ka caawiyaan shacabka Australia inay dalka ku soo noqday."
Muwaadiniinta Australia iyo dadka deganaanshaha haysta oo kaliya ayaa loo ogol yahay inay codsadaan daynta.