Madaxda Dalka Australia oo uu oogu horeeyo Ra'iilsul-wasaare / Malcolm Turnbull, ayaa cadeeyeen in la fashiliyay arin loo badinayo in ay ahayd argagixiso la maleegayay, taasoo lala beegsan lahaa diyaaradaha. Arintan oo ka dhacday Sydney, ayaa loo qabqabtan afar nin, iyadoo madaxda polisku ay cadeeyeen in wali baadhitaano ay ku jiraan la xidhiidha arintaas.
Ra'iisul Wasaare Malcolm Turnbull, ayaa sheegay in waaxda ladagaalanka argagixisada ee New Saouth Wales ay fashiliyeen qorsha lala beegsan lahaa diyaaradaha, iyadoo uu cadeeyay madaxa Poliska Federaalka Australia/ Andrew Colvin, in baadhitaana ay wali ku hayaan arinkaas.
"Maalmahan ayaa waaxaha sharciga fuliya ay heleen xogo sheegay in dad ku sugan Sydney ay qorshaynayaan in ay fuliyaan falal argagixisanimo, iyagoo adeesanaya walxaha qarxa. Hada waqtigan ma hayno xogo buuxa dhanka weerarkaas, sida goobta, taariikhda iyo waqtiga, balse waxaanu baadhaynaa xogaha aanu helay ee cadaynaya in waaxda diyaaraduhu aya aheyd dhinaca weerarkaasi lala beegsan lahaa"
Ra'iisul wasaar/ Malcolm Turnbull, ayaa dhankiisa sheegay in muhiimada oogu weyn haatan ay tahay dhanka amaanka shacabka Australia. isagoo intaas raaciyay in suurta galnimada khataraha argagixiso ay wali taagan yihiin , balse waxa uu cadeeyay in ay masuuliinta arintaasi ay sida tooska u taabanayso in ay diyaar uyihiin arimahaas.
" Iskaashiga xoogan ee u dhaxeeya shirdoonkanaga iyo hay'adaha nabad sugida ayaa ah furaha shacabka Australia looga ilaalinayo argagixisada. muhimada oogu horaysa ee ay hayso xukuumadaydu, iyo balanta aan u qaaday shacabka Australia waa in aan naba-galiyadooda hantaa. Maalin kasta, saacad kasta waxa aan xooga saarnaa in aan hubaal ka dhigno in hay'adhanaga la-dagaalanka argagixisada in ay ku sugan yihiin waqtigii ay oogu awooda badnaayeen. Taasoo ah in iskaashigayagu aad u adagyahay. Taasoo ah in isku xidhnaantayadu ay tahay mid aad u saraysa. .
Dawlada ayaa dhacdadaan kaga jawaabtay in ay ku dhaqaaqdo adkaynta amaanka gagiyada diyaaradaha ee dhamaan dalka gudihiisa , Mr Turnbull, ayaadhankiisa sheegay in haatan nidaam aad u adag oo dhanka gaadiidka haatan la dhaqan galiyay,
dhinaca kale waxaa lgu war galiyay in dhamaan dadka u safraya gudaha ama dibada dalka ay ku xisaabtamaan isbadalada cusub ee la dhanq galiyay, taasoo looga gol leeyahay in la hanto amaanka shacabka. Qorshayaalka ladhaqan galiyay ayaa waxaa ka mida in qofka gudaha daka u safraya isagoo diyaarad adeegsanaya ay tahay in uu laba saac ka soo hormaro waqtiga diyaaradu ay duulayso, dhanka kalke dadka u safraya dalka dibadiisa ayaa iyagana looga baahan yahay in ay sadex saac ka hor yimaadaan waqtiga ay diyaaradoogu ka haadayso garoorka.
Wasiirka Gaadiidka / Darren Chester, ayaa airntaan ku micneeyay in ay tahay mid ujeedadeedu ay tahay in la sugu amaanka shacabka,
" Tani waa ujeedo aan si joogta ah ugu kuur-galayno kuna qiimaynayno xaalada amaanka, hubaala ka dhigayno in aan arimahaan jawaab ku haboon diyaarinay. Arimahan amaanka waa ay sii jiri doonaan tan iyo inta ay waaxaha nabad sugidu ay nagu war galinayaan in ay yihiin qaababka ugu haboon arinkaasi. Waxa mudnaanta koobaad aanu siinayno marxaladan waa amaanka shacabka Australia ee gaadiika adeegsanaya"
Madaxa booliska Federalka Australia/ Andrew Colvin, ayaa cadeeyay in dhacdadan sabtidii ay u qabteen afar nin, ilaa iyo waqtigana ay hayaan, iyadoo ay baadhitaana dheeraadana ya ku socdaan ragaas la hayo. Masuulkan ayaa intaas ku daray in sida sharcigu uu dhigayo ragan lasii hayn karo todobo bari iyagoon wax maxkamada la saarin, iyagoo mudadaas cadaymo kasoo saari doono baadhitaanadaas socda.