Watch FIFA World Cup 2026™

LIVE, FREE and EXCLUSIVE

Dawlada Australia oo haween iyo caruur ka soo qaadaysa Suuriya

Dawlada Laborka ayaa sheegtay inay taageerayso sidii loo soo daad gurayn lahaa haween iyo caruur Australian ah oo ku sugnaa Suuriya kadib dagaalkii kooxda ISIS looga adkaaday.

Moutia Elzahed has been sentenced for refusing to stand for a judge in court

Moutia Elzahed has been sentenced for refusing to stand for a judge in court Source: AAP

Dawlada Federalka Australia ayaa sheegtay inay taageero loo fidinayo koox caruur iyo haween ay dawladu doonayso inay ka soo qaado Suuriya.

Laborka ayaa xaqiijiyay qorshaha lagu soo daad guraynayo 16 haween ah iyo 42 caruur ah oo ah qoysaskii xubno ka tirsanaa kooxdii Islamic State oo lagu hayay xerada Al-Roj ee Woqooyi Bari Suuriya oo ku dhow xadka Ciraaq iyo Suuriya. Halkaas ayay ku sugnaayeen wixii ka danbeeyay Maarso 2019.

Tanya Plibersek oo ka tirsan dawlada ayaa Janaal 7 u sheegtay in dusha laga ilaalinayo marka ay Australia ku soo noqdaan, lana hubiyo in xanaanada ay u baahan yihiin.

"Marka ay Australia ku soo laabtaan waa lagama maarmaan in gaar ahaan caruurta taageero caafimaadka dhanka maskaxda ka siiyo. Laakiin waxay sidoo kale ila tahay in qofkasta qayb ka ah barnaamujka uu fili karo in hay'adaheena amaanku iyo kuwa sirdoonku ay dusha kala soconayaan. Una malaybn maayo in taasi cidna layaab ku noqonayso," ayay tiri Ms Plibersek.

Mucaaradka Federalka ayaa ka soo horjeeday baaqyo lagu doonayay in dadkaas la soo daad gureeyo wixii ka danbeeyay 2019, iyadoo wasiirkii arimaha gudaha waqtigas Peter Dutton uu ku dhawaaqay in ay dhici karto in haweenkaas qaarkood ay hadday dalka yimaadaan ay sababi karaan 'qasaare balaaran'.

Afhayeenadda arimaha gudaha u qaabilsan xisbiga Liberalka ayaa wali ka soo horjeeda soo daad guraynta sababtoo ah waxay aamisan tahay in haweenkaas ay qayb ka ahaayeen taageeridda ISIS iyo dagaalamaayshii ajaaniibta ah ee Suuriya.


2 min read

Published

Source: SBS



Share this with family and friends


Follow SBS Somali

Download our apps

Listen to our podcasts

Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS

Somali News

Watch now