Dawlada oo sheegtay in qiimaha batroolka la dhimayo

Fuel excise

Soaring petrol prices will be a key issue in the federal budget. Source: AAP

Miisaaniyada federalk ayaa la sheegay in qiimaha maciishada wax looga qabanayo iyadoo si ku meel gaar ah loo jarayo canshuuraha la saaro batroolka si qiimaha uu hoos ugu dhaco. Iyadoo qiimaha batroolku qaybo ka mid ah dalka uu gaaray $2.20 litirkiiba.

Dawlada ayaa hadda waxay halkii litirba canshuurtaa 44 cent, waxayna kala bar dhimaysaa canshuurtaas hadda mudo 6 bilood ah.
 
Taas ayaa $7 ka dhimaysa qiimaha batroolka gaariga lagu buuxiyo halkii marba.
 
Qasnaji Josh Fryendberg ayaa sheegay inay lacag badan u baajinayso gawaarilayda.
 
"Canshuuraha shidaalka saaran kala bar ayaan jaraynaa lixda bilood ee soo socda, dadkuna waxaa halkii litirba uga baaqanaya 22 cents markasta oo ay baabuurka buuxiyaan. Qoyska labada gaari leh oo todobaadkiiba hal mar buuxiya gaariga waxaa asbuuciiba u baaqanaya $30 todobaadkiiba taas oo 6 bilood noqonaysa $700.
Haddii aad caruurta iskuulka gaariga ku gayso ama aad shaqada ku aaddo ama qaraabada booqanayso lacag ayaa kuu baaqaynaysa," ayuu yiri Mr Frydenberg.
 
Canshuur dhaafka ayaa isla caawaba bilaabanaya laakiin in qiimuhu dhaco waxay qaadanaysaa labo todobaad,

Share

Published


Share this with family and friends


Follow SBS Somali

Download our apps
SBS Audio
SBS On Demand

Listen to our podcasts
Independent news and stories connecting you to life in Australia and Somali-speaking Australians.
Ease into the English language and Australian culture. We make learning English convenient, fun and practical.
Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS
Somali News

Somali News

Watch in onDemand
Dawlada oo sheegtay in qiimaha batroolka la dhimayo | SBS Somali