Dawlada Victoria ayaa ka shiraya inay soo rogto xanibaado looga jawaabayo xanuunka ka dilaacay hoteelka Holiday Inn ee Melbourne oo hadda dadka ka qaaday COVID gaaray 13 qof.
Wasaarada caafimaadka ayaa xaqiijisay 5 kays oo cusub oo cornavirus ah 24 saacadood ee u danbeeyay oo ay ku jiraan 2 xalay lagu dhawaaqay.
Mid ka mid ah ayaa ah qof ka shaqaynayay kafeteeriya ku taal garoonka diyaarada Melbourne inka badan 8 saacadood maalintii Talaadada isagoo ay dhici karo inuu qabay xanuunka markaas.
Taas macneheeda ayaa ah in qof kasta oo booqday kafeteeriyada Brunetti ee ku taal Terminal 4 intii u dhaxaysay 4:45 subaxnimo ilaa 1:15 galabnimo looga baahan yahay inay is baaraan isna karantiilaan.
Terminak 4 ayaa ah halka ay ka duulaan kana soo degaan diyaaradaha Jetstar iyo Rex.
Isagoo ka hadlaya Melbourne ayuu RW Scott Morrison ku baaqay in jawaabta laga bixinayo xanuunkan u danbeeyay ee dilaacay Victoria ay noqoto mid u dhiganta ee aan laga badbadin.