Tirada dadkii ku dhintay weerarkii Nairobi oo kor u kacay.

Tirada dadkii ku dhintay weerarkii Nairobi oo kor u kacay.

Security camera footage shows heavily armed attackers in the compound of a hotel, in Nairobi, Kenya (AAP)

Security camera footage shows heavily armed attackers in the compound of a hotel, in Nairobi, Kenya (AAP) Source: Security Camera Footage

Kormeeraha Guud ee Bilayska Kenya Joseph Boinnet, ayaa sheegay in tirada dadkii ku geeriyooday weerarkii iyo qaraxii lala beegsaday  hotelka DusitD2   in ay gaadhay 21 qof.

Masuulka Bilayska ayaa sheegay in 6 mayd  oo kale laga helay burburkii, iyadoo hal askari  isagana uu u dhintay dhaawac kasoo gaaray weerarkaas.

Dadka la xaqiijiyay ilaa iyo haatan dhimashadooda ayaa waxa ay kala yihiin 16 Kenyana, hal  qof oo Britain u dhashay, hal qof oo Maraykan u dhashay, iyadoo sadexda qof ee kale aanan wali la aqoonsanin jinsiyadahooda.

Masuulkan Bilayska u hadlay ayaa waxa uu sheegay  in laba qof loo qabtay  weerarkaas lala beegsaday Hotelkaas , iyadoo uu sheegay in labadan qof ay hawl fududayn u sameeyeen  dhinacyadii weerarka qaaday,  sheegayna haatan in lagu hayo saldhig bilays, su’aalana la weydiinayo.


Share

Published

By Mohamed A Madar

Share this with family and friends


Follow SBS Somali

Download our apps
SBS Audio
SBS On Demand

Listen to our podcasts
Independent news and stories connecting you to life in Australia and Somali-speaking Australians.
Ease into the English language and Australian culture. We make learning English convenient, fun and practical.
Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS
Somali News

Somali News

Watch in onDemand