Dooda Australia Dayda oo sii socota.

Dooda Australia Dayda oo sii socota.

Australian Flag

AAP Image/Joe CastroNO ARCHIVING, DITORIAL USE ONLY,IMAGES TO BE USED FOR NEWSREPORTING PURPOSES ONLY,NO COMMERCIAL USE WHATSOEVER Source: AAP

Doodii ahayd maalinta Australia Dayda, ayaa iyadu sii balaadhanaysa, iyadoo mudo yar ay ka hadhay dabaaldagii Australia Dayda.

Doodan  labada dhinac loo kala saftay ayaa falsafada ka danbaysa ayaa waxa ay tahay,  in qaar ka mida dadka Aburujinalka ah, ay aaminsanyihiin, in maalintan ay ka dhigantahay maalintii oogu horaysay ee doomihii  dadka cadaanka ahi la socdeen ay yimaadeen magaalada Sydney sanadii 1788.  Taasoo Indiginouska ooga dhigan maalin aan farxada ahayn

xisbiga Greenka ayaa iyagu kusoo biiray taageerida ololaha in  26 bisha January, laga badalo maalinka Australia Dayda.

Hogaamiyaha Xisbiga Greenka Richard Di Natale, ayaa yidhi,  dhamaan shacabka Australia waxa ay rabaan maalin, ay isu wada imani karaan, ayna u dabaaldagaan kala duwanaanshaha shacabka , bulsha furan oo xorra, balse buu yidhi January 26, ma aha maalintaas.

Senator Di Natale, ayaa sheegay in  xisbigiisu  uu u ololaynayo in la badalo maalinta Australia Dayda , iyadoo la ilaalinayo dhaqanka bulshada, iyadoo ay oogu yeedheen in la doorto maalin ay dhamaan dadku dabaaldegi karaan.

Qaar ka mid ah golayaasha deegaanka ee Victoria,  ayaa badaley taariikhdii ay dabaaldagi jireen,  waxaana  ka mida golahayaasha Yarra, Darebin iyo Fremantle.

Balse dhankeeda Dawlada Federaalka ahi waa ay kasoo horjeedsatay in wax talaaba ah loo qaado badalida maalinta Australia  dayda. Ciqaabo ayayna la tiigsatay Golayaasha Deegaan, ee munaasabada Australia Dayda  badalaya , iyagoo u adeegsanaya awooda ay u leeyihiin in ay ka badalaan dabaaldega maalintaas ee lagu qaato dhalashooyinka,

 Ra'iisul wasaare Malcolm Turnbul, ayaa isagu shaaca ka qaaday in uu aad ooga xunyahay dooda la galiyay maalinta Australia  Dayda.

 Dhankiisa wasiirka Jinsiyada iyo arimaha dhaqanka, Alan Tudge, ayaa Sky Newska u sheegay  in maalinta Australian Daydu, ay tahay maalin weyn oo midaysa wadanka

 Xidigii horee ciyaarta tenniska Pat Cash, ayaa u sheegay in uusan mar danbe u dabaaldagi doonin maalinta Australia Dayga  ee 26 January, kadib markii uu ka shaqeeyay deeq aruurin Caruurta loo aruurinayay taasoo wax loogu qabanayo Qoysaska Indigenouska ee Northern Territory.


Share

Published

By Mohamed A Madar

Share this with family and friends


Follow SBS Somali

Download our apps
SBS Audio
SBS On Demand

Listen to our podcasts
Independent news and stories connecting you to life in Australia and Somali-speaking Australians.
Ease into the English language and Australian culture. We make learning English convenient, fun and practical.
Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS
Somali News

Somali News

Watch in onDemand