DEGDEG: Gabadhii 4 jirka ahayd ee la waayey oo la helay iyadoo nool waalidkeedna loo geeyey

Cleo oo ah gabadhii yarayd ee la waayey ayaa la helay iyadoo nool labo toddobaad ka dib markii la waayey. Gabadha ayaa xalay saqdii dhexe laga soo saaray guri ay ku xidhnayd oo ku yaalla magaalada Carnarvon ee Western Australia, iyadoo loo geeyey waalidkeedii.

Cleo Smith

CCTV footage seized by police shows car speeding off from campground where Cleo Smith disappeared Source: AAP

Cleo oo ah gabadhii afar-jirka ahayd ee reer Western Australia (WA) oo muddo laba toddobaad ah la la'aa ayaa booliiska WA heleen xalayto 1dii habeennimo iyadoo nool oo nabad qabta. Muddo yar ka dibna waxay u geeyeen waalidkeeddi.

Booliisku waxay sheegeen inay xalay abbaaro 1dii habeennimo xoog ku galeen guri ku yaalla magaalada Carnarvon oo ku taallaa waqooyiga WA, halkaana ay kasoo saareen Cleo. Askari booliiska ka mid ah ayaa kor u qaaday gabadha yar, oo isla markiiba u ku yidhi: "Magacaa?", waxayna ku jawaabtey: "magacaygu waa Cleo".

Booliisku waxay sheegeen inay halkaa ku qabteen nin ay hadda gacanta ku hayaan.

Cleo ayaa 16kii October, laga waayey goob ay iyada iyo waalidkeenu ku dalxiisayeen. Cleo ayaa laga waayey teendho ay huriddey, iyadoo markiiba booliisku ka shaakiyeen in la qaatay iyada oo hurudda. Intii ka dambeysayna waxay booliiska WA ku wadeen baadhitaan aan kala go' lahayn.

Ra'iisal wasaare Scott Morrison ayaa bartiisa Twitter-ka ku qoray:

"Waa war wanaagsan oo lagu nefiso. Cleo waa la helay nabad-qabna way ku joogtaa gurigoodii. Ducooyinkeennii waa la aqbaly. Way mahadsan yihiin booliiskii badnaa ee ku raad joogey helidda Cleo, qoyskeedan taageerayey"

 

 

 


Share

Published

By Abdinur Ismail

Share this with family and friends


Follow SBS Somali

Download our apps
SBS Audio
SBS On Demand

Listen to our podcasts
Independent news and stories connecting you to life in Australia and Somali-speaking Australians.
Ease into the English language and Australian culture. We make learning English convenient, fun and practical.
Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS
Somali News

Somali News

Watch in onDemand