Faahfaahin dheeraad ah oo kasoo baxaysa ninkii dadka ku laayay Las vegas

Sheriff Joseph Lombardo

The Las Vegas gunman set up cameras in and outside his room, Sheriff Joseph Lombardo says. (AAP) Source: AAP

Ninkii dilay 58 qof dhaawacayna inka badan 520 qof weerar toogasho oo uu ku qaaday dad daawanay xaflad muusig ah ayaa sida lasoo wariyay shubay lacag gaaraysa 100 Kun oo doolarka oo Maraykanka ah maalmo ka hor wuxuuna sidoo kale kamerooyin ku xiray qolka uu ka deganaa hoteelka si uu u ogaado cidkasta oo kusoo socda.

Saraakiisha ku sugan magaalada ayaa sheegay inay maalmo uga hartay intay kasoo afjarayaan baarida goobta danbigu ka dhacay oo ah qol ku yaal dabaqa 32 aad ee hoteelka Mandalay Bay oo Stephen Paddock oo 64 jir ahaa uu ka qaaday weerarkan dadka badani ku dhinteen.

Maamulayaasha ayaa wali isku dayaya inay ogaadaan ujeedada iyagoo indhaha ku haya gabadha uu la saaxiibka ahaa ninkan oo Australian ah MariLou Danley oo hadda Maraykanka dib ugusoo noqotay.


Ku dhawaad 50 qori oo uu lahaa Mr Paddock ayaa laga helay 3 goobood oo kal duwan.

Muuqaal laga duubay kamareada booliska u xiran oo lasii daayay ayaa muujinay jahawareerka jiray intii weerarku socday.


 Kevin McMahill oo booliska ka tirsan ayaa amaanay sida boolisku uga jawaabeen dhacdadan wuxuuna yiri

"Waa ognahay ninkan uu riday dhowr iyo toban xabadood, waxaan kaloo ognahay in xabada uu joojiyay 10:19 fiidnimo. Markii u horeeyay oo boolisku ogaadeen xabada waxay ahayd 10:08  waxayna xabadu joogsatay 10:19 marka jawaab degdeg ah oo boolisku qaadeen.'

 






Share

Published

Updated


Share this with family and friends


Follow SBS Somali

Download our apps
SBS Audio
SBS On Demand

Listen to our podcasts
Independent news and stories connecting you to life in Australia and Somali-speaking Australians.
Ease into the English language and Australian culture. We make learning English convenient, fun and practical.
Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS
Somali News

Somali News

Watch in onDemand